Xilli hoos u dhac dhaqaale oo dhan walba ah uu kajiro dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayuu sarkaal horay uga tirsanaa DF-ka xaqiijiyay in nidaam dhaqaale uusan kajirin dalka.
Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Dowladda Federaalka ayaa sheegay in dhaqaala xumada kajirta magaalada Muqdisho ay sabab u tahay dalka oo aysan kajirin dowlad awood leh.
Isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday Jaamacadda Banaadir ayuu ku dheeraaday daymaha lagu leeyahay dowladda Federaalka balse si toos ah carrabka uguma dhufan musuq maasuqa iyo xatooyada ka dhax jirta Hoggaanka DF-ka.
Amiirka Xarakada Al Shabaab ayaa kalimad uu dhawaan jeediyay uga hadlay burburka dhaqaale ee kajira dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho isagoo dowladda Turkiga ku eedeeyay in ay boob ku heyso dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed.
Liibaan Jeexoow Cabdi