DAAWO SAWIRADA:- Meydadka Dadkii ay Ciidamada Itoobiya ku Xasuuqeen Duleedka Baydhabo.

Waxaa shalay gelinkii dambe deegaanka Wardiinle ee duleedka magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay lagu aasay Meydadka 14 ruux oo rayid ahaa oo ay gumaadeen Ciidamada Xabashida Itoobiya.

Boqollaal ruux oo isaga kala yimid magaalada Baydhabo iyo deegaannada u dhow dhow ayaa kasoo qeyb galay Munaasabaddii aaska aheyd, iyadoona halkaas ay ka hadleen qaar ka tirsan ehellada dadkii ay gumaadeen Ciidamada Xabashida.

Shacabka magaalada ayaa intooda badan ka qeyb galay aaska, waxaana wajiyadooda laga dheehanayaa sida ay uga murugeysan yihiin xad gudubka ay kala kulmeen ciidamada Xabashida oo kasoo duulay in ka badan 1000 km (kun kiilo mitir)

Ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa si joogto ah u xasuuqa shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaan, waxaana jirta in mar aan sii fogeyn ay dad masaakiin ay ku laayeen degaanka Jaamac Dubbad oo dhaca xad beenaadka ay Itoobiya la wadaagto waqooyiga  Somalia ama howd.

 

1468866294cc73a.jpg

146886629542736.jpg

1468866295ff7da.jpg

1468866297981c3.jpg

146886629804ff4.jpg

1468866301c1898.jpg

146886630220b39.jpg

146886630314425.jpg

1468866304ede2b.jpg

146886630549ba8.jpg