DHAGEYSO:-Turkigu Muxuu Naga Rabaa”SOMALIA”

Turkiga ayaa  soo cagadhigtay magaalada Muqdisho sanooyin ka hor,gacantana loo galiyay ilaha dhaqaale ee dhulka Soomaaliyeed kuwa ugu weyn,sida Dekada Weyn iyo Madaarka diyaaradaha Muqdisho,waxaana ka sii horeeyay in Turkido horey Soomaaliya ugu yimaadeen sahan,waxayna soo gaareen xiligii (UNISOM SOMALIA),waxaana ciidankii Soomaaliya soo gaaray watay ama hogaan u ahaa nin Janan Turki (Gen. Cevic Bir).

Gen.Bir waa ninkii qaramada  Midoobay  ka sheegay inaan Soomaaliya la gumaysan karin inta ay haysataan ganacsi madax  banaan,wuxuuna la yaabay markii u tagay Suuqa weyn Bakaaraha inow u arkay guri qiimahiiso yahay $350 kun oo Dolar.

Duulaankii Turkigu ku soo qaaday Soomaaliya ayaa ah midow isku soo dhex qariyay waxa loogu yeeray  kaalmo biniaadan,wuxuuna sidaa kula wareegay ilaha dhaqaale iyo qeybaha ugu muhiimsan Muqdisho sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS