Madixii Cadaalada Itoobiya Judge Gizachew Oo Baxsaday.

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Addis Abab ee caasimada Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu baxsad kujiro madixii cadaalada Itoobiya Judge Gizachew, sida aan xogtan kuhelay MR Judge ayaa mudo yar kahor sheegay in xilka laga wareejiyo arimo laxidhiidha dhinaca caafimaadkiisa waxaana lagu soo waramayaa in ay ujeedadiisu ahayd in uu helo fursad uu dalka kaga baxo isagoo leh waxaan aadayaa dhakhtar dibada ah.

Ilo wareedyo kusugan magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in uu Judge Gizachew u baxsaday wadan aan wali lashaacinin oo dibada ah waxaana lasheegayaa in uu helay fursad uu wadan kale ugu baxsado.

Dadka u dhadhawaa madixii hore ee Cadaalada Itoobiya oo hada baxsad kujira ayaa sheegaya in uu mudooyinkii ugu
dambeeyayba dhaliili jiray qaabka ay xukuumada wayaanuhu umaamusho cadaalada wadanka wuxuuna aad u cambaarayn jiray xarumaha Cadaalada ee gumaysiga oo dhamaan noqday kuwo aan shaqaynin oo gacanta ugu jira
saraakiisha ciidamada ugu saraysa.

Ma aha ninkii ugu horeeyay ee kabaxsada Cadaalad darada iyo Dhaqan xumada ka dhex jira dhamaan xafiisyada
xukuumada TPLF waxaana sanadihii iyo bilihii ugu dambeeyay wadanka gumaysiga kabaxsaday Wasiiro, Saraakiil Ciidan, Safiiro, Duuliyeyaal iyo Siyaasiyiin kaloo caan ah waxayna dhamaan baxsad koodii kadib sheegeen in ay kasoo baxsadeen isku dhexyaaca siyaasadeed iyo cadaalad darada wadanka kajirta mudada dheer.

Dhinaca kale dadka siyaasada gumaysiga Itoobiya udhuun duleela ayaa saadaalinaya in ay jiraan saraakiil sar sare oo
iyaguna raadinaya fursado ay ugu duuli karaan wadamada dibada khaasatan kuwa ree galbeedka, waxayna soo xiganayaan sida ay isugu dhex yaacsantahay siyaasadii wadanka.

Guud ahaan nidaamkii wadanka ayaa isugu biyo shubtay qabiil qabiil waxaana laysu dilaa ama laysu cadaadiyaa
hadba shakhsigu qabiilka uu kasoo jeedo waxaana jiro qabiilo naas nuujin kuhaysta xukuumada hada jirta ee TPLF.

Sikastaba ha ahaatee baxsadka ninkii ugu sareeyay waxa lagu sheego cadaalada Itoobiya ayaa arinta siimurjinaysa
waxaana lafilayaa in uu soobandhigi doono siro badan oo aan hada muuqanin.

ONA.