Ururka Midowg Afrika ayaa markale ku celiyay in ay dadajinayaan qorshaha ay ciidamadoodu ugala baxayaan dalka Soomaaliya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.
Mas’uuliyiin katirsan hoggaanka guud ee Ururka AU ayaa shirkii ka dhacay magaalada Kigal ee dalka Ruwanka ka sheegay in laba sanadood kadib lasoo gaba gabayn doono howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya oo loola jeedo duullaanka shisheeye ee lagusoo qaaday shacabka Soomaaliyeed.
Ismaaciil Al-sharqaawi oo ah madaxa ammaanka iyo nabad gelyahada Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in marka lagaaro sanadda 2018-ka si rasmi ah loosoo gaba gabeyn doono duullaanka Soomaaliya.
“Midowga Afrika wuxuu qorshaynayaa in ciidamadiisa uu kalasoo baxo Soomaaliya marka lagaaro sanadda 2018-ka, waqtiga noo harsan waxaan ku bixin doonaa tababaridda ciidamada qaranka Soomaaliya, dowladda soomaaliya ka jirta waxaan ka sugaynaa in ay amniga dalka la wareegto”ayuu yiri Ismaaciil Al-sharqaawi.
Ururka AU wuxuu magaalada Kigali ku go’aamiyay in la dardar geliyo dhisidda iyo qalabaynta ciidamo ay yeelato Soomaaliya kuwaasi oo la sheegay in ay la wareegi doonaan saldhigyada ay ka baxaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya.
“Ciidamadeena Soomaaliya ka howlgala guulo waaweyn ayay soo hooyeen sida iyagoo Argagaxisada Al Shabaab ka adkaaday kuna qasbay in ay howdka galaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ismaaciil Alsharqaawi.
Warkan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa la rumeysanyahay in uu yahay mid guul darro ugu bishaaraynaya DF-ka halka xarakada Al Shabaab iyo taageerayaashooda ay horay u saadaalinayeen in dalka ay isaga baxayaan ciidamada shisheeye iyagoo jabay islamarkaana aan xaqiijin hadafkii ay dalka ugusoo duuleen.
Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaan ogolaan doonin in DF-ka yeelato ciidan awood leh oo ay noqoto dowlad leh hub iyo difaac wanaagsan leh, sidoo kale waxa loogu yeero beesha caalamka ma doonayso in Itoobiya ay ka babar dhisto nidaam soomaali u dhantahay oo awood leh.
Xarakada Al Shabaab ayaa la filayaa in ay dib ula wareegto intabadan magaalooyinka dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya haddii ciidanka shisheeye isaga baxaan.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho