Xilli uu sii idlaanayo waqtiga u haray dowladda Federaalka Somaaliya ayay ‘Beesha Caalamka’ waxay ku mashquulsantahay diyaarinta ciddii bedeli laheyd Xasan Gurguurte iyo golihiisa wasiirrada.
Reer galbeedka iyo xulufadeediisa ayaa goor hore sii diyaariyay siyaasiyiin diin laawayaal ah in ay madax ka noqdaan xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doono bisha September 2016.
Intabadan DF-ka waxaa madax ka noqda qurba joog dibadaha lagusoo anshax xumeeyay kuwaasi oo lacago malaayiin dollar ah ka sameeya xilalka loo dhiibay islamarkaana dowladaha shisheeye u saxiixa heshiisyo lagu boobayo kheyraadka dalka tusaale ahaan heshiiskii badda looga iibiyay Kenya ee uu saxiixay C/Raxmaan Cabdi Shakuur.
Video ay kasoo muuqdeen labadan siyaasi ayay ku baaqeen in Soomaalida iyo shareecada lakala fogeeyo!.
Siyaasi Faysal ayaa si lama filaan ah ugu dhiiraday in uusan doonayn shareecada Islaamka isagoo yiri “su’aasha ah Diin Maku dhaqmaynaa aniga waxaan leeyahay maya kuma dhaqmayno”!
Siyaasi Max’med Cabdi Max’med ayaa isna saaxiibkiisa ay diin laawayaasha isla yihiin ee Faysal ku taageeray mowqifkiisa isagoona faah faahin dheeri ah ka bixiyay sababta ay diinta islaamka ku diidanyihiin
Max’med Cabdi Max’med ayaa sidaan ku hadaaqay “diinta Maku dhaqmaynaa waa su’aal xasaasi muhiim ah, aniga waxaan ku raacsanahay saaxibkeey Faysal.. maqabo aniga in diinta wadanka lagu xukumo ..laakiin waxaan qabaa dastuurka aan qaadanayno in uusan diinta ku xadgudbin ..Niman naga caqli badan oo mareykan ah ayaa kala soocay diinta iyo dowladda sababtoo ah dheel dheel iyo kaftan ma ahan arrintu..waa naga caqli badanyihiin waa naga aqoon badanyihiin waa naga waaya aragsanyihiin waxay yiraahdeen baahashan halaka sooco aniga marka waxaan qabaa in la kala sooco”.
Soomaaliyeey kuwaan iyo kuwa badan oo lamid ah ayaa xilal ka haya Dowladda Federaalka ee shisheeyaha la shaqeysa sida Haweenayda ku magacaaban wasaarrada arrimaha haweenka iyo xuquuul insaanka oo soo saartay sharci ku sheeg ogolaanaya in raggu ragga u tagaan haweenkuna sidaas sameeyaan.
Kuwa nuucaan ah ee aan nagu dhaqan iyo diinta aheyn ayay dad culimo sheeganayaan mar walba fatwoodaan in ay yihiin dowlad Islaami oo sharci ah ciddii ku baxdana ay noqonayso Khawaarij iyo Ghullaad ama Argagaxiso dhiig cabayaal ah.