Turkida iyo Erdogan Group ayaa si indho la’aan ah ugu soo guuray Muqdisho,gacantana ku dhigay qeybo ka mid ah ilaha dhaqaale ee Soomaaliya ugu weyn, sida Dekada iyo Madaarka Muqdisho,waxaa kale oo ay gacanta ku dhigeen qeybo ka mid ah waxbarashada iyo Caafimaadka oo ay u mareen dabadhilifyaal danyuusbaro ah iyo madax ku sheeg maqaar saar ah.
Afgenbigii dhicisoobay ee Turkiya waxaa si lama filaan ah isku bedelay qorshihii Turkigu ka lahayd Soomaaliya oo ilaa maanta ka joogaan qeybo ka mid ah Muqdisho.
Waxaa maalmihii lasoo dhaafay Siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho uga dhoofayay shaqaalihii Hay’ada Turkiga laga lahaa ee Nile Academy , kuwaa oo Dowlada Soomaaliya ku amartay in ay si deg deg ah dalka uga baxaan.
Shaqaalhaa Muqdisho ka baxay ee kasoo jeeday dalka Turkiga ayaa ka shaqeenayay Iskuulo iyo xarumo caafimaad oo kuyaala Magaalada Muqdisho uu lahaa Suufiga weyn Gullen oo Maraykanka degan laguna eedeeyay inuu ku lug lahaa Afgembigii fashilmay ee ka dhacay Turkiga.
Soomaalida ayaa ku baraarugta qorshaha qarsoon ee Turkida, kaas oo ah dhaqaale doon iyo dhibaato keen.
“Waxaa sugayaa inaan arko Turkiga oo oo ka wada guuray Muqdisho,gacantana loo galiyo maamul Soomaaliyeed Dekada iyo Airporka Muqdisho” Waxaa yiri nin aqoonyahan ah .
DHAGEYSO:-Turkigu Muxuu Naga Rabaa”SOMALIA”