SAWIRO:-Ma Ogtahay In Facebook Aad Ku Isticmaali Karto Af-Soomaali? Baro Qaabka Aad Afkaaga Ugu Bedelan Karto Facebook

Waxaa si tartiib tartiib ah loo horumarinayaa Luqadda Soomaaliga si ay uga mid noqoto Luqadaha Caalamiga ah ee la jaan-qaaday Tiknooloojiyadda Casriga ah ee dunida maanta laga adeegsado Dunida.

Haddaba, Dadaallo is-daba-joog ah oo lagu horumarinaayo Luqadda Soomaaliga isla markaasina ay hogaanka u haysay Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa suurta geliyey in Af-Soomaaliga lagu daro Liiska Luqadaha ee ay aqoonsan yihiin Shirkadaha Tiknoojiga waaweyn sida Google Translator iyo Facebook.

Si aad Facebook-kaaga ugu bedelato Af-Soomaali raac talaabooyinkan soo socdo:

1- Inta aadan gelin Akoonkaaga gaarka ah ku dhufo calaamadda “+” ee ka muuqaneyso Page-ka hoostiisa sida ku cad Sawirkan:

So1

2- Luqadaha badan ee kuu muuqanaayo ka dooro “Af-Soomaali”, haddii uusan toos kuugu soo muuqanin “Af-Soomaali” ku dhufo “Africa and Middle East” si uu kuugu soo baxo Af-Soomaaliga. Sawirka ayey ku cadahay

So2

3- Sida hoose ka muuqaneyso oo Af-Soomaali ah ayuu isku bedelayaa Login Screen-ka Facebook-ka

So