DHAGEYSO:-Sheekh Si Qoto Dheer Uga Hadlay Cadaawadda Itoobiya.

Sheekh Cumar Xayaakallaah oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa si qoto dheer uga hadlay cadaawadda Itooiya isagoo sharaxaad ka bixiyay habka ay u gumeysato qowmiyadaha Muslimiinta ah ee ay horey dhulkooda u qabsatay.

Sidoo kale wuxuu sheekhu sheegay in Itoobiya ay xoogga saarto siyaasadda loo yaqaano (kala qeybi oo xukun) wuxuu xusay iney had iyo goor isku dirto qabaa’ilka walaalaha ah, markey is laayaan kadibna ay wafdi usoo dirto iyadoo maslaxad doon iska dhigeysa.

Sheekh Cumar ayaa ummada Soomaaliyeed ugu baaqay iney darsi ka qaataan dhaqamada gumeysi ee Xabashida Itoobiya si aaney ula mid noqon dadka haatan gumeysigeeda ku hoos jira ee xoreynta u baahan.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS