Axmed Fiqi “Wasaaradda Arrimaha Gudaha Musuq Maasuq iyo Tuugeysi ayay Muqdisho Ka Waddaa”.

36565292

Xilli uu gabaabsi sii marayo waqtiga u haray Hoggaanka DF-ka ayay siyaasiyiinta mucaaradsan Xisbiga Damul Jadiid ay eedeyn kulul ujeedinayaan qaabka ay wax u socdaan.

Siyaasiyiin ku sugan magaalada Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa Wasaaradda arrimaha gudaha ku eedeeyay in ay amarro adag kusoo rogtay Hoteellada gobolka Banaadir.

Axmed Macalin Fiqi oo horay usoo noqday taliyaha nabad sugidda DF-ka ayaa sheegay in Ururka Damul Jadiid uu caburin ku hayo siyaasiyiinta u sharraxsan xilka madaxtinimada.

Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay ciidamo ku daadisay Hoteellada islamarkaana ay is hortaag ku sameysay shirar wadatashi ah oo ay yeelan lahaayeen odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolka Banaadir.

“Dowladda hadda jirtaa waxay waddaan caburin ka dhan ah aqoonyahanada, Hoteelladii caasimadda kuyiillay waxaa lagu daadiyay ciidamo kuwaasi oo diiday in la qabto kulamo siyaasadeed oo masiirka dalka looga arrinsanayo, maxkamadda sare ayaan ugudbinay dhibaatada jirta”ayuu yiri Fiq.

Ururka Damul Jadiid ee hoggaanka u haya DF-ka ayaa lagu eedeeyay in uu adeegsanayo iibsashada odayaal dhaqameedyo suuqa lagasoo aruuriyay si ay uga qeyb qaataan doorashooyinka dhici doona.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay jufo walba ka qorteen Nabadoon iyo odayaalo faalso ah, waxayna maalmahan ku mashquulsan tahay inay kaarar aqoonsi ah siiso, waxaa la rabaa in doorashada lagu musuq maasuqo, qof iyo cod waa la diiday, odayaasha saxda ahaa waa lagu kalsoonaan waayay, waqtigii saxda ahaa wax waa la qaban waayay, xagee loo socdaa”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Axmed Macalin Fiqi.

Xasan Gurguurte iyo Cumar Cabdi Rashiid ayaa labaduba horay u sheegay in ay yihiin musharixiin u taagan in markale ay hoggaamiyaan DF-ka ee gumeystaha la shaqeysa.

Gurguurte oo kaashanaya dowladda iyo dhaqaalihii uu ka lunsaday Dekadda iyo Garoonka Muqdisho ayaa lafilayaa in uu iibsado codadka xildhibaanada iyo odayaasha soo xuli doona labada gobole ee DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi