Anigu madaxda dawladda lama kulmin, ha se ahaato’e hab dhaqankooda waxa aan ka arkay askartooda!
Gabay Asaxaabulfiil.
01. Haddii uubatadu xaakim tahay ari na loo keeno!
02. Abukaatuhuna yahay dhurwaa loo igamaday hawsha
03. Asxaan iyo wanaag baan halkaas cidi ka eegayne
04. Waxaa taa la ayniya middaan maanta aragnaaye
05. Erey malaggi galay baa naflaha la isku eedaaye
06. Arladayda anigoon marnaba ku iftiroonaynin
07. Anoon iibsan sharaftayda oon gubin arwaaxdayda
08. Aflegaaddo anigoon samayn eedna qolo saarin
09. Oraah iyo waxaan maanso iyo erey ku soo koobay
10. Askar dhaqan xun shacabkeeda way kala irdhoobaane
11. Niman yohow aqoonyahanka iyo odayadii laayay
12. Niman yohow agoomaha kadhigay ubadki Soomali
13. Niman yohow assay suray hablaha Wada ilmaynaaya
14. Niman yohow arlada Wada gubee abaxda noo qaaday
15. Niman yohow inkaaraha qabee uunka lagu taagay
16. Niman yohow isbaarada dhigtee aamin bixin waayay
17. Niman yohow islaanimada iyo aayadaha beenshay
18. Niman yohow ibliis dabogalee qaatay eraygiisa
19. Niman yohow akhlaaqdii ka tagay iyo asxaankiiba
20. Niman yohow afkii Wada burburay ee ilkaha beelay
21. Niman yohow afyuun iyo xashiish looga ohol waayay
22. Niman yohow sharciga eebbe iyo diiday amarkiisa
23. Niman yohow salaadaha ag mara amase aadaamka
24. Niman yohow kitaabkii anfiyay iyo axaadiista
25. Niman yohow anfaco ay helaan yahay ujeedkoodu
26. Niman yohow ilmaha Wada dayacay ooridana ciilay
27. Niman yohow ayaxa iyo ka daran uubatada hawdka
28. Niman yohow abraaree habeen diiday aqalkooda
29. Niman yohow aboor Wada noqdee agabyadii diirtay
30. Niman yohow aqoontiyo an baran aayihii nolosha
31. Niman yohow an aakhiro lahayn iyo adduuntoona
32. Niman yohow arlada Kala xannibay idil ahaanteedba
33. Asaxaabul fiil baad tihiin eegga soo baxaye
34. Haddii aan ilaah idinka qaban shacabkan aafoobay
35. Intaad idinku joogtaan midhaa nabad ma awtaadsho.!!
Curiye: Nuradin Buryar ( Dirsame )
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS