DAAWO:- Yuusuf Dabageed oo Sheegtay in Askarta Jabuuti Ee Belewdeyne Ay Dil Ugu Hanjabeen!

Maamulka gobolka Hiiraan ugu magacaaban dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay goodis uga yimid askar iyo saraakiil katirsan ciidamada Jabuuti.

Yuusuf Hagar Dabageed oo ah guddoomiyaha Hiiraan ayaa xaqiijiyay in ciidanka Jabuuti ay dhibaata xooggan u geysteen dad shacab ah iyo mas’uuliyiin maamulkiisa katirsan.

Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Beled Weyne ayuu sheegay in isaga iyo saraakiil la socotay uu dil ugu hanjabay mid kamida ciidamada Jabuuti oo amar ka helayay sarkaal Jabuutiyaan ah.

“Ciidamada Jabuuti inkastoo ay wax noo qabteen hadane askari iyo sarkaal ayaa aniga iyo mas’uuliyiin ila socotay noogu hanjabay in ay nadilayaan, ciidanka Jabuuti si gardarra ah ayay 11 baabuur oo dad shacab ah leeyihiin rasaas ugu fureen markaan lahadalnay annaga ayay dil noogu hanjabeen”ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beled weyne ayaa dhibaata dhan walba ah ku haya bulshada iyagoo taayarada ka banjariya gaadiidka dadweynaha ee diida in ay bixiyaan lacago baad ah.

Sidoo kale ciidanka Jabuuti waxay fisqi iyo fasaad ku dhax faafinayaan bulshada dhaxdeeda, saldhigyada Jabuutiyaanku uga suganyihiin Beled Weyne waxay isku bedeleen goobo jirka dumarka looga ganacsado.

Dhibaatada haysata shacabka Beled weyne ee dhanka Jabuutiyaanka ka imaanaysa waxay saameysay xataa kuwa dabadhilifyada u ah shisheeyaha ee sheegta in ay dowlad yihiin.

Yuusuf Dabageed iyo odayaal taageersan shisheeyaha ayaa horay ugu hadaaqay “Jabuuti waa Hiil Walaal” maanta aragtidaasi waa isbedeshay waxayna ku hadaaqayaan “Jabuuti hiil gumeysi”.

Liibaan Jeexoow Cabdi