In kastoo Halgankii dheeraa ee Sayid Maxamad Cabdulle Xasan uu Taariikh gumaysi diid oo ma harto ah ku yahay dadk ku reebay, haddana samankiisii oo kale ayaa lagu jiraa, dad badan baana weli ku cibaaro qaadan la’,ilaah amarkiis.
Muran kuma jiro halganka Sayidku soo maray inuu jiilasha dambe usii ahaan doono shuclad ama iftiin waddaninimo oo aan weligeed damin oo mar walba laga shidaal qaato, siiba marka aayaha dadka iyo tan dalkuba ku jiraan saman colaadeed.
Ninka weli majaxaabinaya halganii Sayid Maxamed ama dhaleecaynaya shakhsiyaddiisa qof ahaaneed isaga ayey u taal sidii looga rumaysan lahaa qoraxda ayuu damacsan yahay inuu sacabka ku qariyo, hase ahaatee qarni iyo in ka badan ayaa bulsho-weynta Soomaaliyeed Sayid Maxamed u qirsan tahay inuu ahaa halyay lama loodshaan ah oo ka caaggan in fadhi-ku-dirir dhaliilo ka sheego.
Wuxuu lahaa tilmaamo Rabbaani ah oo shakhsi Soomaaliyeed isu wada raacin, waxaana kamid ah:
Halyay. Aqoonyahan. Waddani. Macallim diimeed. Abwaan caalami ah. Dagaal yahan madaale ah. Indheergarad baxdoy ah. Aftahan laga dabahadlin. Gumaysi-diid qabweyn. Qareen ummadeed. Dulmi-diid hal adag. Halgame qaran. Ma danayste dulmi-diid ah. Gumaysi-takoore lama loodshaan ah. Barbaariye iyo nabad-doon Soomaaliyeed, iwm.
Gumaystaha iyo inta ku lifaaqnayd waxay lahaayeen dano u gaar ah oo bulsho-weynta Soomaaliyeed ayna la qabin- In dalka la gumaysto in yaruna ku noolaato gunno lagu gufeeyo.
Sayidka iyo Daraawiishtu taas lama qabin inta ku lifaaqnayd shisheeyaha: Talyaaniga, Ingiriiska iyo Xabashida, dagaal dheer bayna la galeen inaan la gumaysan ummadda Soomaaliyeed.
Sayidka iyo Daraawiishtu waxay diiddanaayeen:
- Inaan loo adeegin xeeladaha gumaystuhu dalka ka damacsanaa.
- Inayna hoos gelin gumaysi shisheeye.
- Inay axdi iyo gacansaar marna la yeelan gumayste ballanfuryo badan.
- In gumaystuhu faragelin iyo fadqalallo ku samayn diinta, dhaqanka iyo hiddaha Ummadda Soomaaliyeed.
- In gumaystuhu uusan bililiqaysan khayraadka dhabiiciga ah ee dalku leeyahay.
- Inaan ummaddu lumen nasabnimada ay hiddaha iyo dhaqanka u leedahay.
- Inaan xaq-u-dirirka marna laga gacansarrayn.
Ummadda Soomaaliyeed badankeed uma baraarugsanayn indheegaradnimada Sayidku lahaa, waxayna u qaybsanaayeen qaybaha soo socda:
- In kasoo horjeedday qofnimada Sayidka iyo fikradda uu qabey, sida: Kartidiisa, aftahannimadiisa, geesinimadiisa, gabayadiisa iyo hal-adaygiisa.
- In difaacaysey gacansaarka iyo gunnada ay gumaystaha ku haysteen
- In la safnayd iyo gumaysi-nacaybka Sayidku qabey, iyo
- in badan oo gooni-daaq iyo gurdan raac ahay isugu jirtey.
Kuwa Sayidka lidka ku ahaa maxay dhib Daraawiishta iyo qadiyada Soomaaliyeed u geysan jireen?
- Inay cadawga la saftaan oo ka qayb-qaataan jabinta cududda Daraawiishta iyo hormuudnimada Sayidka.
- In cadowga loo xuuraamo oo la gaarqaado sidii loo wiiqi lahaa cududda Daraawiishta
- In bogaadin iyo kalsooni gumaystaha laga kasbado si looga helo hub, saanad iyo gunno dhaqaale.
Dhacdo Mahadho Ah
Dad badan oo ah kuwii shalay Sayidka dhabarjabinta ku hayey ayaa maaanta xambaarsan cadawgii waagaasba duullaanka nagu ahaa, waana laga guulaysan doonaa.
Su’aalaha soo socda ayaa jawaab u baahan:
- Goormaa dhaqankii loo rogay in nacab Soomaaliyeed la xambaarsado oo xornimadii dalka lagu gato dano in yaru wadato?
- Goormaa cadaw ku dilaya habeenkii loo sii gurguurtay si gunno yar looga helo ama gacan lagu siiyo sidii uu madaxnimada sii hayn lahaa?
- Madax-u-yaalka hadda jira yaa warqad cad u siiyey inay marin habaabiyaan qaranimada Soomaaliyeed ama ay boobaan hanti qaran?
- Sidee fal-dambiyeedka maanta ay galaan berri uga dhuuman karaa?
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS