ETHIOPIA oo Visaha dalkeeda u diiday madaxda maamulka Hargaysa.

Madaxda maamulka Hargaysa ayaa Waji-gabax kala kulmay xafiiska maamulka Woyanuhu kuleeyahay magaalada Hargaysa oo joojiyay bixinta Visaha ama dal kugalka Itobiya oo horay xafiiskaasi u bixin jiray.

Sida ay baahiyeen shabakadaha magaalada Hargaysa waxay Itobiya u diiday Visaha madax kala duwan oo katirsan maamulka Hargaysa, kuwaasi oo qaar kood wafdi ahaan ugu socdeen magaalada Addis ababa halka qaar kalana ay danahooda gaarka ah ugu socdeen.

Xafiiska magaalada Hargaysa uu Woyanuhu kuleeyahay oo wax laga waydiiyay sababta madaxda maamulka loogu diiday Visaha ayaa si kooban u sheegay in lagu wargaliyay inuusan bixinin wax Visa ah, waxaana uu ka gaabsaday inta ay sii socon doonto xayiraada sida gaarka ah loogu soo rogay madaxda maamulka.

Talaabadani ayaa noqonaysa tii ugu Qalafsanayd ee madaxda maamulka Hargaysa ay kala kulmaan maamulka Woyanaha, waxaana in dhowaale maamulka Woyanuhu uu hoos u dhigay dhaq dhaqaaqyadii siyaasiga ahaa ee kala dhexeeyay maamulka Hargaysa.

Xanibaada madaxda Hargaysa uu Woyanuhu kusoo rogay ayaan ku koobnayn oo kaliya kuwa Hargaysa balse waxaa jira masuuliyiin kale oo katirsan maamulka oo in muda ah kusugan magaalada Addis ababa, kuwaasi oo iyagana loo diiday inay kabaxaan magaalada Addis ababa ee xarunta Gumaysiga Itobiya.

Ogaden24.info