Shacabka Tigreega oo ku baraarugay dhawaaqa Taliyihii Hore ee ciidamada Woyanaha.

13419013_886191491508340_9059227238174670924_n

Aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Qoomiyada Tirada yar ee Tigreega ayaa waxaa soo food saaray khal khal iyo Jaha-wareer kadhashay dhawaaqii dhiilada xambaarsanaa ee kasoo yeedhay Janaraalkii Hore u xukumi jiray ciidamada maamulka Woyanaha.

Shabakadaha wararka iyo baraha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa ka bilawday dood xoogan oo kadhex socota qaybaha kala duwan ee Tigreega, gaar ahaan aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta oo u muuqda kuwa xaqiiq-saday xaalada dhabta ah ee Itobiya kajirta, waxaana dooda ugu badani ay kataagan tahay mustaqbalka Qoomiyada Tigreega iyo maamulkeeda.

Marka aad sii raac raacdo Qoraalada Afkaarta ay isku waydaarsanayaan waxa ugu badan ee kahadlayaan ayaa ah in dib loo Qiimeeyo xaalada, waxayna inta badan Afkaartu muujinaysaa sida ay uga quusteen in Taladu Gacantooda kusii jirto, sidaa darteed ayay Taageero xoogan u muujinayaan dhawaaqi Janaraal Tsedkan ee ahaa in EPRDF dhimatay hadii aysan Qoomiyada Tigreegu tashana ay ladhiman doonaan.

Aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta dibad Jooga ah ayaa badheedhahooda kusheegaya in hadii aysan sida ugu dhakhsaha badan uga tashan Itobiya ay noqon doonaan Aleel Bad kudhacday, waxayna isu sheegayaan in laga Talaab-sado siyaasiyiinta danaystayaasha ah ee maamulka Gacanta kuhaya, kuwaasi oo marka xaalku adkaado dibadaha isaga carari doona.

Baaqa ugu culus ee baraha Internetka ay isaga gudbinayaan Tigreegu ayaa ah inaan la kahsaarin midhihii halgan ee Jabhada TPLF oo kaasi oo ay kudoodayaan inay marin Habaabiyeen siyaasiyiin xukun Jacayl madax maray oo danahooda kaliya eeganaya, waxayna shacabka ugu baaqayaan in loo istaago sidii loo samata bixin lahaa Halganka kahor inta uusan God dheer kudhicin.