- Ilaahii Cirshiga nuuriyoow, waanu kuu cabane
- Waxaad adigu caabiyi kartaa, ciidhoo noo taraye
- Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
- Adigaan cirriyo geeri iyo, cudur ka yaabayne
- Adigaan cadrana guursan oon, ciyaal dhaline
- Adigaa waxaad camal rabtaa, kugu cuslaanayne
- Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
- Adaan cudud laguu sheeganayn, amaan cabsoonayne
- Adaan ciidan loo qayshadiyo, caawimaad rabine
- Col wax yeelo gaystiyo adaan, cadaw ka yaabayne
- Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
- Cunto kaa dhamaatiyo adaan, caydh ka baqanayne
- Calal xidhasho uma baahnid iyo, cuud la foofsado e
- Ku cayiliyo adigaan ahayn, shay mar caato ahe
- Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
- Adaan canug lasoo dhalay ahayn, ama ciyaal reere
- Adaan barina meel kula cawayn, cuur filkaaga ah
- Cashiiriyo qaraabiyo adaan, ciirsi deydeyine
- Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
- Aan cabbaar tilmaamaha cuddoon, sii carcooriyo e
- Caddaan fiila cawl iyo guduud, amaa cillaan miida
- Casaan boosa maarriin canbara, ama cawiif booda
- Madoow culaya sugul caynaba, oo ciiriyo bay leh
- Xareed calasa ciid iyo asal, ama cagaar dooga
- Caarcaar shabeel ama sidii, calawyo giirgiiran
- Cir guduud qaboonoo kaliyo, cawo iyo maalin
- Cadar ama cadceedoo kaliyo, sidii roobab curanaaya
- Caadkiyo daruuraha dhulkiyo, ciirigii badaha
- Codcod subaga caaniyo baruur, cuddo iyo jiidhba
- Laan caaradeed shay ka baxa, ama curdaan yeesha
- Wax la cuno ama aan calashaniyo, waxaan cabbaynoo dhan
- Wax codkiisu yeedhiyo waxaan, ciyi aqoonaynin
- Calaamiyo wixii midab ah ee, caalamka u muuqda
- Cabbirkaaga shay lihi ma jiro, ood la caantahaye
- Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
- Adigaa cilmiga soo dajiyo, diin ciraab badane
- Cabdigaagii adigaa ka dhigay, nabi carfoonaaye
- Cadadii qur’aankiyo adigaa, curiyey Liilaafe
- Ilaahayow casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
- Cindallaahi ruuxii qabee camal, fashee fiican
- Een Nabiga caaradin unbaa, kheyr cantoobsada e
- Halaag bay cantuugaan kuwii, aad u cadhootaaye
- Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
- Janna caaliyaad suubisay oo, laga cabbaayaaye
- Cadaabkiina adigaa dhisiyo, naar ciqaab kulule
- Ciyoon baad dhamaysaa wixii aad, cidhib tiraysaaye
- Kaad caawinaysana dhaqsaad, u camiraysaaye
- Cazaa Wajala waad og tahay, caynka aan rabo e
- Adaa siiya laydh caafimaad, gaal ku caasiyeye
- Caascaasna adigaa ku rida, sheekh ku caabudaye
- Nina inaan cadaadshiyo ma rabo, inaan cidhiidhyaaye
- Carrabna kuma idlayn karo waxaan, kaaga soo cabane
- Rabbul Carshul Cadiim waad og tahay, caynka aan rabo e
- Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
- Inkastoo cad shaydaan qalbiga, caajis galinaayo
- Calooshayda kama goyn inaan, Eebe caabudo e
- Citiraafay Nabigaygii oo, caashaq baan ahaye (csw)
- Ilaahayow Casiis baad tihiyo, caadilkii jira e
- Cimrigay intaan noolahee, aan carrada joogo
- Ceebtiyo waxaan ugu necbahay, ciil na daashada e
- Mana lihi awood celin kartiyo, xoog cadaadshaba e
- Ilaahii Cirshiga nuuriyoow, waanu kuu cabane
- Inaad adigu naga caawisaan, kaa codsanayaaye.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS