Wariyaha Caanka ah ee lagu magacaabo Cabdullaahi Nuur Colombo aya bogiisa faceboo ku daabacay qoraal oo usoo diray nin kamid ah dadka ku nool Degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo.
Nin Soomaaliyeed oo ka mid ah dadka deegaanka ee ku sugan xarunta Gobalka Gedo ee Garbahaarey oo ila soo xiriirey sababo dhinaca amaankiisa la xiriirana aan magaciisa u soo xiganeyn ayaa iga codsaday inaan walaalaha soomaaliyeed la wadaago oo aan u bandhigo dhibaatooyin baaxad leh oo ciidamada Itoobiya ee halkaas ku sugan ay ku hayaan dadka,degaanka iyo xoolaha waxuuna qoraalka uu ii soo direy muwaadinkaas soomaaliyeed uu ku bilaabey sidan:
Sida la ogyahay ciidamo Itoobiyaan ah oo fara badan ayaa xarumo ciidan ku leh gobolo ka tirsan koonfurta Soomaaliya waxaana mid ka mid ah uu ku yaalaa Degmada Garbahaarey oo Itoobiya ay ku sheegtay midka ugu weyn xarumaheeda laf dhabarna u ah dhaqdhaqaaqa ciidankeeda.
Sida ay sheegtay Itoobiya ciidankeedu waxay si rasmi ah u yimaadeen magaaaladaan sanadkii 2013-kii Waxaana ay dagtay magaalada qeyb kamid ah gaar ahaan dhinaceeda galbeed oo ay ku jiraan kuleejkii dawladii dhexe ee soomaaliya. Garoonka diyaaradaha, Ceelka biyaha ee magaalada, iyo Daaqsinkii xoolaha meesha ay subixii ka bixi jireen galabtiine kasoo gali jireen guud ahaana ciidamada Itoobiya Dhul waxay dageen qiyaaastii in ka badan 7-km oo isku wareeg ah.
Goob joogahan ka mid ah dadka deegaanka ee ku sugan xarunta Gobalka Gedo ee Garbahaarey waxuu yiri“ciidanka Itoobiya dadku si bilaa micna daro ah ayey isaga toogtaan,qaar waa xiraan,ganacsatadana baad ayey ka qaataan, dumarkana waa kufsadaan waxaana kaloo jirta in meelaha ay ku sugan yahiin waxa ay ku sameeyeen wax alla wixii dhir ahaa waa jareen si dhulku nabaad guur ugu dhaco iyagoo sidoo kalena ugaartii halkaa ku nooleyd inta ay qabtaan Dayaarado ku guraya oo dalkooda u dhoofinaya:”
Dhibaatooyinka kale ee ay ciidamada Itoobiya ka geysteen Gobolka Gedo waxaa ka mid ah xoolihii ayey qaarna iyagoo dadkii lahaa ka xoogaya ayey iska qashaan qaarna meelaha xoolaha ay daaqaan ayey ugu daadiyeen Buskut adag oo deefshiidka xoolaha waxyeelo u geystay waxaana mudo gaaban ku dhintay in kabadan 500, oo xoola ah.
Ka sakow falalka baahilnimo ee ciidamada Itoobiya degaanka ka geysanayaan waxaa iyaguna jira in ciidamada dalka Kenya ay Gantaalaha dayuuradaha ay ridaan ku garaacaan tuulooyin iyo dadka xoolo dhaqatada ah ee miyiga fog ku nool halkaasoo dad iyo xoolo aad badan ku xasuuqa oo ku dila.
Ugu dambeyntii ninka igala soo xiriirey Magaalada Garbahaarey waxuu qoraalkiisa kusoo gaba gabeeyey
“walaaalayahayga soomaaliyeedow wadankayaga dad ahaan dhaqaaalo ahaan iyo deegaaan ahaaanba aad buu u liitaa waqtigan adag ee aanu ku jirno cid madax ah oo ka hadli kartana ma jirto oo waa wada baqayaan ama cabsanayaan Itoobiya ayaana ku amar taagleeysa hadii xaalku sidan kusii socdana gebi ahaan dhulkeena hooyo waa la wareegi doontaa oo gumeysi cad ayaanu geli doonaa ee inta goori goor tahay aan hurdada ka kacno oo aan iska dhecino gumeysigan aadka u xun ee Itoobiya iyo daba dhilafyada soomaalida ah ee u adeegaba.:
Qore:-Wariye Cabdullaahi Nuur Colombo