WAXYAABAHA KUFSIGA SOO KORDHIYEY:

pizap.com14702218550931.jpg

Kufsiga bahalnimo ee sannadahaan gees-ka-gees geyiga ku baahay, wax la barbardhigo iyo si loo macneeyo lama yaqaan. Qowmiyadda Soomaalida haweenku waa ka badan yihiin ragga oo sida Carabta baahi haween Soomaaliya kama jirto. Guur iyo gaabsi qofba dooqiisa si sahlan buu ku heli karaa. Kufsiga cusub waxaa ku jira mugdi iyo macne shirqool xambaarsan oo si fudud aan loo fahmi karin.

Wuxuu noqday camal-shaydaan laysugu faano iyo dhaqan xumo dalka lagu faafiyo. Guud ahaan maamullada dalka ka jira, dhaleeceyn iyo kufsigu waa aafo qaran ayey dhaafi-waayeen, ayaandarro marnaba ma asiibin meesha sartu ku quruntay iyo ciriqa aafada. Wabi qarka jebiyey oo fatahay biyihii dhulka maasheeyey haddii la dhuro iyadoo aan marka hore qarkii jabay la dhisin, taasi waa xoog doofaar lagu eryey iyo cudurka geela ku dhaca oo gammaanka laga daweeyey.

Waxyaabaha kufsiga soo kordhiyey iyo kooxaha faafiya waa in la aqoonsado kadibna ciriqa aafada la ciribtiraa. Kaabeyaasha kufsiga iyo kooxaha hirgeliya baaris kooban oo aan ku sameeyey, natiijadii waxay noqotay sidatan:

  • (Sababta 1aad): Daroogada dalka ku baahday “qaadka – calaqa- qamriga — xashiishka iwm”. Nin qaad raamsaday oo calaq cabay kadibna xashiish dhuuqay wuxuu la mid yahay waraabe waalan waana khasab inuu wax kufsado.
  • (Sababta 2aad): Aflaamta anshax-xumada jinsiga “pornographic sex films” siiba telefanada muuqaalka leh “mobile with camera” ee inta badan dhallinyaradu haystaan. Baydhabo ayaa Shabaab ka joojiyey aflaamta jinsiga, kadibna shanaamadii waxaa lagu beddelay  moobayl muuqaal weyn leh oo laga soo waariday Shiinaha oo si fudud aflaamta looga daawado, dabadeed dhallinyaradii waxay yiraahdeen “hooba Shabaab diiday, Shiineysaa sheenay shanaamo yaris”.
  • (Sababta 3aad): NGOley (Ajnebi & Soomaali) dalka ku faafiya noocyada kala duwan ee fisqiga “rape – AIDS – homosexual – lesbian etc”. 2010 Gaal Jarmal ah oo NGOleyda ka mid ah ayaa Hargeysa rag iyo dumar sida xoolaha isu fuushan filim anshax-xumo ah ka duubay. Waxay ahayd fadeexad magac-xumo u soo jeeday qowmiyadda Soomaalida. Sidoo kale Mombasa Keenya, Gaal NGOley ah ayaa eey sidii nin loo tababaray kala yimid Yurub kadib eeygii 12 gabdhood ayuu fuulay oo u galmooday, intii anshax-xumada jinsigu socotay filim ayuu ka duubay. Gaal NGOle iyo haweenkii hadda waa xiran yihiin oo baaris baa ku socota waana maxaabiis maxkamad sugeyaal ah. Fisqiga NGOleydu hadduu Soomaaliya ka sii socdo, mardhow waxaa arki doona dhaqan xumada reer Galbeedka ee loo yaqaan “Same sex marriage” guur dhexmara laba isku jinsi ah “laba dhadig ama laba labood”
  • (Sababta 4aad): Ciidammada AMISOM qeyb libaax bey ka qaataan faafinta fisqiga waxayna la saf yihiin NGOley, waxay kaloo si xoog leh u faafiyaan AIDS. Gabadh gaajoon oo seddax-qad ah qado la siiyey haddii lagu qaawiyey, waa nooca kufsiga ugu xun oo ku saleysan ka faa’iideysi baahi-daran iyo saboolnimo. Hadda waxaa dalka jooga carruur ku hadaaqeysay“aabbeyaasheen magacooda AMISOM ha asteyso”. Kufsiga dadban iyo fisqiga AMISOM dalka ku baahisay hadduu sii socdo shan sano oo dambe, haweenka AIDS la qaadsiiyey iyo carruurta ay dhaleen waxay noqon qabiil ballaaran oo lagu magacaabi doono “Beesha AIDS-AMISOM” heerka AIDS-kuna wuxuu gaari doonaa 20%. Inkaar-qabeyaasha indhashareerka leh ee subax walba ku kallaha xeryahooda ee ku andacooda isbitaalka AMISOM baan u soconaa, mar ciidammada shisheeye ayey u yihiin addoon galmo “sex slave”, marna bulshada ayey AIDS ku faafiyaan. Allow Soomaali ka samatabixi siriqda gumeysiga.
  • (Sababta 5aad): Dableyda hubeysan oo markey marqaamaan haweenka ku xooga hubka ay haystaan. Dableyda waxaa ugu daran mooryaanta u xuubsiibatay ciidan qaran oo haba yaraatee aan lahayn xishood dadnimo iyo xeer xakameeya oo ay ciqaabtiisa ka baqaan.
  • (Sababta 6aad): Saxaafiyiin la shaqeysa NGOleyda ku andacoota inay yihiin afhayeennada “xuquuqul iinsaanka” halkii dhacdo kufsi waxay ka dhigaan 50 dhacdo, waxay buunbuuniyaan been-abuur si xishood la’aan ah loo baahiyo “sirqo 80 jir ah iyo saqiir 3 jir ah ayaa la kufsaday”
  • (Sababta 7aad): Guuldarradii dagaalkii 77 kadib carruurtii dhalatay waxay ku garaadsadeen kuna indhafureen fowdo iyo jahawareer, dowlad la’aan iyo dad akhlaaq ahaan u burburay isla markaana “kufsi-dil-dhac” ay nolol maalmeedka ka mid yihiin. Dhallinyaradaasi waxay noqdeen dilaa-sare iyo dugaag aan waxba ka naxin, una haliilaya inay naftooda ku halligaan“tahriib-badaha-isqarxin”. Nin baa yiri abkey doolli dilow, dad nool maas u daahaa iyo Allihii ugaas diley inta kale waa u sahal. Wiil ay la fududahay inuu naftiis macne la’aan iyo si fudud u halligo “kufsi-dil-dhac” shaah la cabay kala fudud.

Waxba yaan gocashadu ila gudbine aan qoraalka soo gunaanado. Magaalo gabowday ayaa guddi Injineero ah loo xilsaaray inay kasoo talo bixiyaan “in lagu sii noolaan karo iyo in kale”. Baaris muddo dheer qaadatay kadib waxay duqii magaalada u soo gudbiyeen warbixin ka kooban seddax eray oo ah “magaalada hallaga guuro”.

Seddaxda eray een bulshada u soo gudbinaa waxay yihiin, “wixii dhiiglahow kaca” oo ka dhiidhiya dhegxumada. Soomaalida silica iyo saranseerku la degay waa inay si degdeg ah ugu tallaabsato laba ficil oo maanta muhiim ah:

  1. Haweenku waa nugul iyo ilmadow xaq u leh in sharaftooda iyo qiyamkooda la difaaco. Sidaas awgeed habaarqabihii wax kufsada waa dugaag mudan in bulshada laga qabto ee waa in si dedeg ah loo deldelo, meydkiisana aan la aasin muddo seddax ayaamood. Ciqaabta kufsiga waa in lagu dabaqo shareecada islaamka oo marnaba aan lagu xallin xeer-dhaqan odayaal dejiyeen.
  2. Mar baa haweenku yihiin horror magac-xumo iyo musiibo kale bulshada u soo hooya. Sidaas awgeed haweenka xadgudbay ee ka baxay xayndaabka anshaxa suuban iyo ku dhaqanka shareecada waa in xakame bir ah lagu giijiyo oo la tirtiro naaneysta xun ee haweenka Soomaaliyeed lagu suntay “cheap clean and hot cake”. Ninkii aan muxaramaadkiisa fisqiga ka reebin waa DAYUUS, xadiis Nabi Muxamed scws ka sugnaaday wuxuu qeexayaaDAYUUS ma uriyo jannada udugeeda. Soomaaliyeey hadafkeennu ha ahaado joojinta kufsiga haweenka lagu kadeeday iyo xaqiijinta karaamadooda. Soomaaliyeey hadafkeennu ha ahaado in gacan bir ah lagu qabto inkaar-qabeyaasha indhashareerka leh ee aafada AIDS faafiya isla markaana sumcad xumada u soo hooyey haybadii haweenka Soomaaliyeed ee beri ahaan jirey horyaalka xishoodka iyo dhowrsoonaanta.

Wa Billaahi Towfiiq

Abdulkadir Osman “Aroma” – Shirwac55@hotmail.com

Voice Of Somalia-Banaadir Post.