Waarka ka imanaya Gudaha Dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamadii Gumaysiga Ethiopia ee joogay gudaha dalka Soomaaliya ay u kala baxeen qoys qoys oo ay xabad iska waraabiyeen.
Sida warkani sheegayo waxaa maanta Magaalada Xudur uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada Gumaysiga ee Qabyaalada isugu dhacay waxaana halkaasi isku dilay kooxo kawada tirsan Ciidanka Ethiopia ee Xudur ku sugan.
Waxaa la sheegayaa in meel walba oo ay ku sugan yahiin Ciidamada Militaryga Ethiopia uu ka dhex jiro kala shaki iyo is aaminaad la’aan la xidhiidhna Kacdoonka socda Iyo Khalkhalka uu waddanku galay, waxaana lasheegayaa in Askari walba uu Qorigiisa diyaar la yahay si hadii la kala dhaqaaqo uu Qoomiyadiisa u magan galo, isagana ilaaliyo Askarta Qoomiyadaha kale kasoo jeeda ee ay isku Ciidanka yahiin.
Dhanka kale waxuu hoos u dhac xoogan ku yimid socdaalkii diyaaradda Ethiopian Airline ee dalalka Europe iyo USA, halka ay maciishadiina circa gashay oo sixir barar uu ka bilowday dhamaan deegaanadda Ethiopia la isku yidhaahdo.
Aad waxaa loo saadaalinayaa in Ethiopia waxii lagu sheegi jiray ee Gumaysiga ku dhisnayd ay udbaha laabatay.
Qorahay Media