Dhulka Soomaali-galbeed oo ahaan jiray meelaha ugu xoogga badan suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida, maanta halis weyn buu ku jiraa. Gobolada qaarkood sida Shinniile iyo Liibaan waxaa sii dabar go’aaya afka Soomaaliga, waxaanay dadkaasi aad ugu milmeen qoomiyada Oromada, ilaa qaarkood ay qoomiyadaasi ka mid noqdeen. Sidoo kale gobolada kale ee Soomaali-galbeed waxaa maanta si weyn ugu faafay afka-Amxaariga, ilaa uu gaadhay heer laysugu faano, ilbaxnimona loo qaato.
Djibouti & NFD hore ayay u doorsoomeen, waxaana ka lumay wax badan oo ka mid ah astaanta Soomaalinimo oo afku ugu horeeyo. Hargeysa waxaa ku yaala Dugsiyo Af-Hindi subixii ardaydu safafka ka qaadaan. Muqdisho na kama sokayso. Dadka qurbaha u qaxayna waad ka dharagsantihiin warkooda. Hadaba maxaa xiga?
• Gumaystuhu halaaguu nabaday bixisaduu gaystay,
• Waa tii balaayadu dhacdiyo baaska ololaaye,
• Bartay maanta taalaana waa boqon go’eediiye,
• Booraamo hadimuu ku dhacay hadafkii buurnaaye,
• Barakaca sokeeyaha birtiyo baaqan dami waayay,
• Dhulka bololay daaraha burburay holoca baaruuda,
• Bililiqadan baahdiyo dhaciyo xaajo bidixaynta,
• Isu bogida faan been ah iyo ballo la haasawga,
• Boqno goynta gaaladu wadiyo bili la’aanteena,
• Dhulkeenaa la baayacay baddoo horeba loo boobay,
• Baxsanoow dalkeenii warmahan beerka kaga taagan,
• Hooyada baroortiyo ilmada baahidu u dheertay,
• Baradaad is taagtaba dhulkaa cadawgu boobaayo,
• Nin buruudli waa yaabanyiyo kii baraad lihiye,
• Waa waxa bukaanka iga dhigay ciilkan biirsamaye,
• Hadaydaan baraarugin dalkaba waan u baqayaaye,
• Is banbaani Soomaaliyeey bixiso waa yaabe.
Gabayga Baraarug: Nageeye Cali Khaliif, 2015.