Shirkii magaalada Muqdisho uga socday Hoggaamiyaasha maamullada dabadhilifyada ah ee Soomaaliya kajira ayaa laysku mari la’yahay.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay madaxa iskula jiraan Xasan Gurguurte iyo hoggaamiyaasha maamullada sida tooska ah u hoos taga dowladaha Itoobiya iyo Kenya.
Dhinacyada ayaa isku haya xilka kama dameysta ah ee laqabanayo doorashooyinka baarlamaaniga ah iyo kuwa madaxtinimo.
Cabdi Wali Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa kasoo horjeestay in waqti dheeri ah loogu daro Xasan Gurguurte halka Shariif Sakiin iyo maamulka Galmudug ay ogolaadeen in waqti dheeri ah loogu daro xukuumadda hadda kajirta Villa Somalia.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Xasan Gurguurte uu hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ka codsaday in illaa iyo bisha October fursad loo siiyo qabashada doorashooyinka guddoonka baarlamaanka.
Dhinaca kale siyaasiyiinta mucaaradsan xisbiga Damul Jadiid ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho uga digay waqti kordhis loo sameeyo maamulka hadda jira.
Maxamuud Nuur Tarsan oo horay usoo noqday guddoomiyaha gobolka Banaadir oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in warmurtiyeed ay siyaasiyiintu soo saareen ay ku baaqeen dhismaha maamul KMG ah haddii ay doorashooyinka dib u dhacaan.
Maamulka Xasan Gurguurte ayaa cadaadis kala kulmaya siyaasiyiinta mucaaradka ah waxaana muuqata in uu sii yaraanayo qeylla dhaantii ka imaan jirtay waxa loogu yeero beesha caalamka oo ku aadaneed dadajinta doorashooyinka.
Liibaan Jeexoow Cabdi