Khadar Macalin waxaa lagu xasuustaa Dagaalkii Ethiopia iyo Eritrea dhaxmaray Sanadkii 1998 in Dhalinyaro Somalida Ogadenia oo ka badan 6000 Kun uu Geeyay Magaalada Bandhama oo ahayd furunta hore ee Dagaalku ka socday, halkaas oo ay Ciidamada Wayaanahu mari wayeen kadibna lagu baabi’iyay dhalinyaradii Soomalida Ogaadenya oo laga dhigtay Miino baaris.
Inta la ogyahay waxaa dagaalkaas ku dhintay 3660 wiil oo u dhashay dhulka Soomaalida Ogaadenya.
Dagaalku markii uu joogsaday oo ahayd sanadkii 2000 ayaa ceebtii ugu weynayd waxay noqotay in dhamaan Ciidamadii Soomaalida Ogaadeenya ahaa ee ku naafoobay dagaalkaas Ethiopia iyo Eritrea ay xitaa wayeen xaquuqdoodii lana yiri shacabkiina dhinac ka raaca.
Hadaba Maanta maxaa tagan?
Waxaa taagan in TPLF oo ay u dhamaatay ay rabto in Abdi Ilay uu difaaco sidii Khadar Macalin u difaacay Dagaalkii Eritrea iyo Ethiopia oo kale oo Oromadan kacsan uu kala hortago Ciidamada Hawaarinta (Liyuu Police).
Warar hoose waxay sheegayaan in hada Abdi Ilay lagu amray in Maleeshiyadda Hawaarinta (Liyuu Police) ay galaan lana wareegaan Magaalada Diridhabo oo maalmo kadib lagu balansan yahay, waxaa kale oo ay xogo hoose sheegayaan in xalay illaa maanta dhanka Galbeedka loo daadguraynayay Maleeshiyadaasi maantana ay la wareegeen Jaamacaddii Magaalada Diredhaba.
Arintan ayaa waxay lamid tahay Arintii uu Khadar Macalim horey u sameeyay balse tii ka dhacday la ogaa, waxaana eegi doonaa sida uu xaal noqdo.