Umadda Somaliyeed waxay qarniyadii ugu dambeeyay looltan siyaasadeed kula jirtay isticmaarka Abasiinia oo markasta ay horboodayaan qowmida Amxaarada oo ah qawmiyad dhaqan iyo taariikhba u leh in ay cadaadiso oo ay cabudhiso qawmiyado badan oo dhulka Itoobiya haatan loo yaqaano ku abuuran.
Waxay qowmiyadda Amxaardu samaysay oo ay abuurtay in ay umado dhan tir-tirto oo ay taariikhdodii iyo dhaqankodii masaxdo, kuwaas oo ilaa hadda laga dareemayo dhulka Itoobiya markii dambana bilaabeen dhulbalaadhsi ah in ay gabi ahaanba tir-tiraan umadda Somaliyeed oo marar badan Itoobiya sheegtay in ay baabinayaan Somalida sida ay u galeen qowmiyadaha kale, balse waligeed maysan dhicin in umadda Somaliyeed ay Amxaaro hoos fadhistaan damacaasna umadda Somaliyeed way beeniyeen ayaga oo damaca Amxaarda ku beeniyay una suurtoobi waayay in ay garab kale raadsadaan moyaane in ay Somali wax ka qadaan.
Markaan ka nimaadno hardanka mudada dheer soo socday ee ku salaysnaa damaca gumaysiga iyo dhulboobka ee ay waday Amxaaradu markasta ka dhexeeyay Somalida iyo Amxaarada waxaa Itoobiya ku dulmanaa qowmiyado badan oo kolba qolo u rarnaa, xukunka cadaadiska iyo dulmiga ku dhiusan ee gumaysiga waxaa ugu dambeeyay qowmiyadda Tigrayga oo xukunka la wareegay sanadkii 1991.
Waxaa 30 sano ee u dambeeyay umadahaas la gumaysto oo ay umadda Somalida Ogadenia ugu horeyso u abuurmay taariikh madoow taas oo lagu cidhib tirayo jiritaankooda, laguna qorsheeyay in dadka latir-tiro dalka iyo khayraadkiisana lala wareego, hadaba shacabka Ogadenia iyo Jabhadda gobanimo doonka ah ee ONLF si cad ayay u diideen damacaas dhiigbadana way u daadiyeen si ay u difaacaan sharafta umadda Somaliyeed waxayna ONLF muujisay geesinimo iyo karti aan xiliyadan cid kale ka suurto gasheen waxayna difaac dhab ah iyo gaashaan u noqdeen jiritaanka guud ahaan umadda Somaliyeed.
Sidaas darteed anagoo ah Ururka Somali Stars Forum waxaanu si weyn halkan uga bogaadinaynaa ururka xaq udirirka ah ee ONLF waxaanan qiraynaa Somalina u cadaynaynaa in ay difaaceen sharafta iyo Somalinimada waxayna u hureen naf, maal maskax iyo wakhti intaba, runtii ONLF waxay u dhabar adaygeen xili aad u adag oo garab la’aan ku qabsaday waxayna ku sabreen waxyaalo faro badan oo hadii ayasn sabbir kaga gudbin ay ku fashilmi lahaayeen.
Waxaan ognahay in ay ilaa hadda xabsiyadda ka buxaan dad badan oo naftooda u hibeeyay difaaca sharafta umadda Somaliyeed shacab badan ayaa la barakiciiyay, ONLF mudadii ay dagaalka ku jireen waxay barbar wadeen wacyi galin iyo hogo tusaalayn ay umadda Somaliyeed kaga haqab tirayeen damaca gumaysiga waxayna marar badan la kulmeen in maamulada Somalida loo adeegsado sidaasna waxaa lagu dhibaateeyay madax ONLF katirsanaa iyo waliba dad shacab ah oo gumaysiga loo gacan galiyay waana wax aad looga xumaado oo damiirka fayow dhaawacaya.
Mar kale ONLF iyo shacabka ay hogaanka u yihiin ee Somalida Ogadenia waxaanu ku amaanaynaa dulqaadka ay u yeesheen hagardaamooyinka ay dadka Somaalida ah gaysanayaan waxaana xaqiiqo ah in ay arrintaasi muujinayso aqoonta saraysa iyo bisaylka masuuuliyadeed ee madaxada ONLF waxayna u qalmaan in ay dhamaan umada somaliyeed hogaamiyaan waana lagu aamini karaa runtii.
Hadaba waxaa maanta la jogaa maalin mudan in shacabka Somaliyeed meel uu joogaba waajibka saaran ay gutaan gacmahana ay isqabsadaan, waxaa la joogaa maalin uu burbur qarka u saaranyahay cadowgii umadda Somaliyeed halka ay maanta taalo dhigay oo ah Itoobiya.
Itoobiya waxay ka faa’iidaysatay burburkii qarankii Somaliyeed waxayna ku tashatay in ay Somaali god madow ku hubsato balse ilahay ma dhihin (Sirmaqabe Allaah ayaa usahan ah) Itoobiya godkii ay Somali u qodaysay iyadaa maanta ku dhacda kana soo bixi mayso mardambe insha Allaah waxay Itoobiya gashay xaalad aad u qalafsan oo dhamaan umadihii dulmanaa nafis u ah.
Baaq.
Dhamaan shacabka Somaliyeed waxaanu lugu baaqaynaa in ay hiil iyo hooba garab ku siyaan shacabka Somalida Ogadenia ee mudada dheer u halgamayay xoreynta dhulka umadda Somaliyeed kamaqan maantana u muuqda in uu gacantooda soo galay.
Jabahdda ONLF waxaan ugu baaqaynaa in ay hantiyaan dhamaan dhulka Ogadenia ayna mideyaan dhamaan shacabka Somaliyeed markastana ay ilaaliyaan wixii dhib abuuri kari ee dhexdooda ah, qofkasta oo Somali ahna ay ka dhigtaan garab si uu u midha dhalo qorshaha guud iyo hadafka fog ee xoriyada ku xadaysa.
Dhamaan shacabka u Somalida Ogadenia gaar ahaan Ururrada bulshadda ee guda iyo dibadba jooga waa in ay galaan diyaar garoow rasmi ah si ay u hantaan Xoriyadooda ay mudada dheer baadi goobayeen si rasmi ahan ay uga go’aan gumaysiga Itoobiya sidoo kalena ay ka digtooonaadaan wixii horay dhacay ee sanadkii 1991 oo lagu siray shacabkaas kadib markii xukunkii Dargigii meesha laga saaray.
Ugu dambayntii waxaanu shacabka Somaliyeed la qaybsanayaa farxadda hosreedka u ah guusha uu xambaarsanyahay burburka ku yimid damacii gumaysiga Itoobiya ee ku salaysanaa dal balaadrsiga iyo baabi’nta jiritaanka umadda Somaliyeed.
Gunaanadkii
Ururka SSF oo ah urur ay ku midoobeen dhalinyaro Somaliyeed oo ku dhaqan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba wax badana fahansan wuxuu soo dhawaynayaa midnimadda Umadda Somaliyeed oo ah furaha guusha, wuxuuna diidan yahay kala googaynta Umadda Somaliyeed oo ah guuldarada umadda Somaliyeed, wuxuuna leeyahay si aan u gaadhno gusheena waa in aan gacmaha is qabsanaa si jiilkeena dambe uu ugu raaxaysto wadada aan u qardayno ee hadda qodxaha badan.
Tixgalin
Maamulka SSF
E-mail: Somaliforum1@gmail.com