Taliyihii Police-ka Gobolka Gonder iyo Askar kale oo u Gacan galay maleeshiyada Axmarada.

36624673

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helo magaalada Gonder ayaa sheegaya in maleeshiyada Axmaarada iyo shacabka Gadoodsan ee wada socda ay makhribnimadii shalay Gacanta kudhigeen Commissioner-kii Heer Gobol ee Police-ka iyo koox kamida Askartiisa.

Sida lagu baahiyay baraha Internetka maleeshiyada iyo shacabka wada socda ayaa weeraray saldhiga Police-ka makhribinimadii shalay, waxaana iska caabin kooban kadib u suuragashay inay Gacanta kudhigaan koox Police ah oo uu kujiro commissionerkii Police-ka halka inta badan Police-kii saldhiga kusugnaa ay kala firxadeen.

Shabakadaha Taageeraya kacdoon wadayaasha Axmaarada ayaa sidoo kale waxay sheegayaan in maleeshiyada Hubaysan iyo shacabku ay waxoogaa Hub iyo Rasaas ah kala baxeen Saldhiga Gobolka oo ah halka ay kuqabteen ee uu iska dhiibay Taliyuhu Police-ka Gobolku.

Taliyaha ama commissionerka laqabtay ayaa lasheegay inuu kasoo jeedo Qoomiyada tirada yar ee Tigreega taasi oo haatan bartilmaameed u ah dhamaan Qomiyadaha iyo shucuubta Gadoodsan ee Hardanka kula jira xukunka kooxda TPLF.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS