Damul Jadiid ee hoggaanka u haya dowladda Federaalka ayaa xaalad quus ah ka taagan dhismaha maamul iyaga hoos yimaad oo laga yagleelo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.
Waxaa Fashilmay dhammaan isku dayo lagu doonayay in hal maamul oo mideysan loogu dhiso gobollada dariska ah ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.
Xasan Gurguurte iyo Faarax C/qaadir ayaa dhaxda u xirtay sidii magaalada jowhar mar uun looga dhawaaqi lahaa maamul siyaasad ahaan taabacsan Damul Jadiid melleteri ahaan iyo maamul ahaana Itoobiya majaraha u heyso.
Odayaal katirsan beesha Xawaadle ayaa diidma adag ka muujiyay in ay kamid noqdaan maamulka cusub ee Jowhar laga abaabulayo arrinkaasi oo ceel ku riday Rajadii Xasan Gurguurte iyo Faarax C/qaadir.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid doorashada hoggaanka DF-ka uu saameyn ballaaran ku leeyahay dhismaha maamulka Jowhar.
Xasan Gurguurte ayaa dhowr mar Hanjabaad kulul ujeediyay odayaasha dhaqanka beelaha Xawaadle ee ku sugan magaalada Beled Weyne.
Ugaas Xasan ayaa maalmo ka hor warbaahinta usoo bandhigay codka Xasan Sheekh oo Hanjabaad kulul ujeedinaya isaga iyo odayaasha ku Fikirka ah.
Khilaafka ugu daran ee dhinacyada u dhaxeeya ayaa ah in odayaasha Beled weyne ku sugan marnaba aysan dooneyn in Sh/dhexe lala mideeyo taasi bedelkeed waxay dalbadeen in Hiiraan loo kala qeybiyo 2 gobol.
Si kastaba ha ahaatee mixnadda Damul Jadiid ka heysata maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa saameyn xun ku reebi doonto rabitaanka xisbiga ee ah in markale uu majaraha u qabto Hoggaanka DF-ka.
Liibaan Jeexoow Cabdi