Xasan Sheekh Ayaa Ku Guuleystay Inow Waqtiga Kororsado

36630824

Shir Jaraa’id oo uu magaalada Muqdisho ku qabtay Cumar Maxamed C/lle dhegey ayuu ku sheegay in Doorashada xubnaha Aqalka sare ay dhacayso 25 September 2016, sidoo kalane Doorashada Aqalka hoose ee xildhibaannada ay dhacayso 24 September illaa -10 October ee Sanadkan 2016.

Guddoomiyaha baarlamaanka DF-ka ayaa isna la dooran doonaa marka lagaaro 25 October 2016, Cumar Dhegeey ayaa sidoo kale sheegay in doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 30 October 2016.

Warkan kasoo baxay guddiga doorashooyinka ayaa ka dhigan in ku dhawaad 3 bilood oo dheeri ah loogu daray sedaxda mas’uul ee ugu sarraysa DF-ka balse waxaa lays weydiinayaa Xasan Gurguurte dib ma usoo laaban doonaa mise waa looga adkaan doonaa doorashooyinka soo socda?.

Siyaasiyiin u dhuun daloola arrimaha dowladda Federaalka ayaa saadaalinaya in Gurguurte uu dib usoo laabanayo haddii uu ku tiirsanaado jeebkiisa balse haddii beesha caalamka is hortaag ku sameyso ayaa laga yaabaa in Siyaasi kale oo dabadhilif ah uu xilka DF-ka qabto.

Xasan Gurguurte ayaa la sheegay in uu hadda gacanta ku hayo lacag ka badan 50-Milyan oo dollar oo uu doonayo in uu u adeegsado gadashada xildhibaanada Baarlamaanka.

pizap.com14706486609821.jpg