AMNESTY INTERNATIONAL ”Boqol Ruux Ayaa Lagu Dilay Dibadbaxyada Itoobiya”

Hay’adda xuquuqda aadanaha, Amnesty International , ayaa sheegeysa in ilo la aamini karo ay ka heshay in ilaa boqol ruux lagu dilay dibadbaxyada Itoobiya.

Aaska meydadka ku dhintay rabshadihii dabayaaqadii toddobaadka, ayaa ka socda magaalada waqooyiga gableed Itoobiya ee Bahir Dar.

Dibadbaxyada, ayaa ka dhacay gobolada Oromia iyo Amhara oo ay ku nool yihiin labada qowmiyadood ee dalka ugu badan. Siyaasiyiinta Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay in tiro dad ah la dilay.

Kumanyaal dibadbaxayaal ah oo jidadka xiray ayey boolisku axadii u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaas ay samada u rideen si ay u kala eryaan.

Labo dhalinyaro ah oo maanta la aasay ayey BBC-du ogaatay, waxaana la rumeysan yahay in labaduba ay dileen ciidamada ammaanka.

Boqolaal dibadbaxyaal ah oo ka kala yimid magaalooyin badan oo ay Addis-ababa ku jirto, ayaa loo xiray inay ka qeybgaleen dibadbaxyo ay dowladda mamnuucday.

Dowladda, ayaa sheegtay in dadka lagu dilay magaalada Bahir Dar ee waqooyi galbeed. Waxay sheegeen in dibadbaxyadu aysan sharci aheyn. Mareykanka, ayaa muujiyay sida weyn uu uga walaacsan yahay dibadbaxyada rabshadaha wata.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Addis Ababa in ay aamusnaan ku xasuuqeyso dadka siyaasadeeda mucaaradsan.

Qowmiyadda muslimiinta oo wax ku dhaw sanad waday kacdoon ka dhan ah xukuumadda Itoobiya ayaa sare u qaaday kacdoonkooda kadib markii ay kusoo biirtay qowmiyadda Amxaarada.

Mid kamida Hoggaamiyaasha Amxaarada ayaa sheegay in tuulooyinka qaar ay ciidamada ammaanka Itoobiya diideen in la aaso Meydadka dad shacab ah oo lagu dilay isku dhacyada.