Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamuud Nuur Tarsan ayaa ka dhawaajiyay in hoggaanka DF-ka ay boob hantiyeed ka wadaan magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in dhul ku yaal agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho laga barakiciyay dadkii lahaa kadibna laga iibiyay shirkado ganacsi iyo kuwa shisheeye.
“Runtii waan ka qoomamaynayaa falkii aan dad masaakiin ah xoog uga eryay guryahooda oo kuyaal agagaarka garoonka diyaaraaha Muqdisho,waxaan moodayay in dhulkaas dan qaran loogu shaqeynayo balse taasi ma dhicin oo dan gaar ah ayaa loo adeegsaday”ayuu yiri Tarsan.
“Dhulka Shacabka laga dhacay ee ku dhow Garoonka diyaaradaha waan in loo bixiyaa magaca Booli Qaran”
Siyaasigan dabadhilifka ah ayaa markii uu waayay xilkii uu hayay wuxuu bilaabay in uu banaanka soo dhigo qeyb yar oo kamid ah tacadiyada ay dowladda Federaalka kula kacdo shacabka rayidka ah ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir.