Janeraal Gaafoow “Qofkii Aan Qaadan Aqoonsiga Dowladda Hoose Waa Cadow”

36637907

Duqa Muqdisho, Taliyeyaasha NISA,booliska iyo Asluubta oo maanta warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in aan Muqdisho lagu arki karin qof aan wadan kaarka aqoonsiga dowladda Hoose.

Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday mashruuc cusub oo la rabo in lacago looga sameeyo shacabka dhiban ee ku nool Muqisho,waxaana mashruucaas ku wada jira Taliya cusub ee waxa loogu yeero NISA Janaral Gaafow, duqa Muqdisho Madaale “Boorsaani” iyo taliyaasha booliska Muqdisho.

Kuwan kuwa wada jira mashruucan loo sameeyay in laga sameeyo lacago ayaa  soo waayay amaankii qeybaha ay Muqdisho ka maamulaan sida jidka dheer ee Maka Almukarama oo dadka Muqdisho  u yaqaniin jidka Dowladu degan tahay,waana hal kaliya ay ku yaaliin hoteelada iyo baararka dadka dowladda ku lugta leh laga helo.

Mashrruaacan waxaa horey iskugu dayay Tarsan,waana u socon waayay maadama aysan dowladdu maamul xoog ku lahayn qeybaha dadka ugu badan ay ka degan yihiin Muqdisho,waana caqabad aysan gudbin karin,mana awoodaan dadka inay ku qasbaan inay lacago xoog kaga sameeyaan.

Qofka aanan qaadan Kaarkaas ayuu ku sheegay Taliya Gaafoow in uu la mid yahay Cadowga ay dagaalka kula jiraan,waxaana uu shacabku amray in kaararkaasi ay sida ugu dhaqsiyaha badan u qaataan.

Cabdulaahi Gaafow waa waayeel,wuxuuna lacago badan ka sameeyay garoonka Adan Adde,waxaana muuqata inow u  soo jeestay in la  baado marasta Muqdisho!

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS