Itoobiya Oo Xirtay Xuduud Beeneedka Ay La Wadaagto Galgaduud

36624673

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Itoobiya ay xirtay soohdinta beeneedka  ay la wadaagto  Galgaduud.

Gudoomiyaha degmada Balanbale Jaamac Xayle Maxamuud oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dowladda Itoobiya ay xirtay soohdintii ay la laheyd  Galgaduud. Degmada Balanbale  ayaa dhacda  soohdin beeneedka Soomaaliya iyo Itoobiya, Arintan ayaa waxa ay ku soo aadysaa xili gudaha gudaha Itoobiya ay ka jiraan rabshado aan dhamaad lahayn,waxayna Itoobiya ogtahay in qowmiyada kaliya ee wax ka bedeli kartaa tahay Soomaalida, waxaa kale oo jira ciidamo xabashi ah oo daadsan gudaha gayiga Soomaaliyeed laga soo bilaabo xauduud beedka, Guriceel,Dhuusamareeb,Hiiraan meelo laka duwan iyo Ceelbuur oo ay fadhiyan ciidamo aad u tiro oo Xabasho ah.

Waxaa is lama filaan ah isku bedelaya qorshihii Tigreegu ugu talagashay gayiga Soomaaliyeed,waxayna xiri doontaa dhamaan xuduud beeneedka oo dhan,ka dib waxay daad gureyn doontaa ciidamadaas ay indho la’aanta ku keentay gayiga Soomaaliyeed.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS