Waxaan Falanqeynayaa Safarka Lagu Sheegay Taariikhiga Ee Xasan Sheekh Ku Tagey JIGJIGA

Jigjiga waa magaalo Soomaaliyeed oo uu haysto gumeyste laakiin hadda lagu sasabo shacabkeeda in ay iyagu tashadeen oo ay Ethiopian yihiin xoogna aan lagu haysan waxaanse ognahay in aaney taas waxba ka jirin.

Horjoogayaasha shacabka Soomaaliyeed kala qaybiya oo qaarba wax gooni ugu sheega iyagoo adeegsanaya qabyaalad oo ay ka midka yihiin Xasan sheekh maxamuud,Cabdi maxamuud Cumar iyo qaarkale oo iyaga la mid ah ayaa ayey u muuqataa in ay ku baraarugeen dab ka kacay derbiyadii ay ku tiirsanaayeen ee Tegreega.
Waxay ula muuqatey in aysan sii joogi doonin meelaha ay joogaan haddii aysan talo raadin oo aysan isku deyin in ay badbaadiyaan Tegreega Ethiopia. waxay arkeen in aysan sii joogi karin Soomaaliya ama xitaa meel kasta oo Afsoomaali looga hadlo.

Safarka  Xasan  Sheekh ujeeddadiisa aan la sheegin ee safarka uu ku tegey geyiga gumestuhu haysto ee Soomaali Galbeed wuxuu ku raadinayaa dariiq lagu badbaadiyo Tegreega sii dhacaya ee aan cagaha ku taagneyn.
Waxaa taa u daliil ah inaaney booqashadu ahayn mid lagu tegey dal kale ee waxay tahay booqasho lagu tegey gobol ka mid ah dal kale walow uu yahay gobol Soomaaliyeed laakiin aan xor ahayn. Booqashada nuucan ah waxaa lagu magacaabaa fasax,nasasho,tacsi,guur,iyo waxyaalo la xiriira arimo shaqsi ah mana keeni karto ahdaaf siyaasadeed.sidaa darteed tani waxay la mid tahay booqasho qaraabo ama salaan aad ku soo salaantey ehelkaaga. wey wanaagsaneyd in uu madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Soomaali galbeed laakiin duruufaha muuqda ayaa tafsiirka ka dhigaya sida ay aniga iila muuqato booqashadu.Waayo muddaharaadka ka socda Ethiopia, iyo marka laysu geeyo duruufta xasan sheekh oo waqtigiisa madaxtinimo dhamaadey ayaa safarku minahaan yeelanayaa.

Ciyaarta dhaantadu wax kale ayey ka turjumeysaa oo taasi waxay saameyn guud ku leedayah manhajka shacabka Soomaaliyeed guud ahaan Heesaha iyo dhamaan music ga waxaa jecel dhalin yarada rag iyo dumarba aan qabin tarbiyadda islaamka,laakiin in la badiyo oo la tayeeyo magac weynna loo yeelo ama la fool xumeeyo oo lagu qoslo qofkii heesa si loo yareeyo ugu dambeynna la baabi,iyo waxay ku xiran tahay hadba manhajka wax lagu hoggaaminaayo iyo itijaaha siyaasadeed ee uu dal leeyahay. Barnaamijka siyaasadeed markuu yahay calmaani waxaa badanaaya heesaha iyo music ga, marka uu yahay Islaamina waxaa yaraada heesaha iyo music ga.

Hoggaamiye kastaana wuxuu dadkiisa ku tarbiyadeeyaa mawqifkiisa siyaasadeed, wuxuuna ka soo muuqdaa halka ay ka filayaan taageerayaashiisu, waana labo mid oo kala ah in uu hoggamiyuhu kaaga dhex muuqdo masjid manaasuk diineed, iyo inuu kaaga dhex muuqdo Theater iyo caweysyo waxba kama dhexeeyaan.

Waxaa kaloo jira in qof kastaaba uu leeyahay hammi iyo hadaf uu isleeyahay gaar oo uu dadaal badan u sameynaayo si uu u gaaro, laakiin nafta shaydaan ayaa la saaxiib ah sida culumada islaamku noo sheegeen. Shaydaanku makaad masjidka gashid wuxuu ku harayaa albaabka oo awood uma laha inuu kula soo galo laakiin marka aad Nightclub soo gasho isagoo qurux badan ayuu xabadka ku saarayaa waayo gurigiisii ayaad soo gashay,Waxuuna shaydaanku kuu sawirayaa in aad taageerayaal badan leedahay oo tobanka qof ee halkaa joogta oo laga yaabo in ay shan ka mid ahi kaa soo horjeedaan ayuu kaaga dhigayaa milyan qof oo ku taageersan. Culumada Islaamku waxay ku fasiraan in music-gu yahay khamriga shaydaanka oo uu ku sakhraano marka uu music maqlo. Dadbaa qaba in ay dhaantadu tahay dhaqan soomaaliyeed laakiin waxaysan talada ku darsan in markii ay dhaantadu ahayd dhaqanka Soomaalida aaney wadan jirin music inkastoo aanan aaminsaneyn in ay tahay dhaqan fiican haddana waxayba uga sii dartay music ayey wadataayoo ma aha dhaqan Soomaaliyeed oo sacab ayaa lagu tumi jirey markii hore.

Ugu dambeyn waxaan ku soo koobayaa falanqeyntan in aragtideyda uu safarku ahaa mid lagu baadi goobayo sidii loo bad baadin lahaa xukumka Tegreega ee haysta Ethiopia, Qoorta ka ciyaarkuna uu yahay mid lagu taageerayo manhajka calmaaniga ah ee la rabo inuu ka hirgalo Geeska africa. Aragtidan aniga ayaa qaba qof aan kala tashadey iyo cid aan wax ugu dhimayaana ma jirto laakiin masiirka dalkeyga in aan ka hadlo xaq baan u leeyahay.

facebook na waa dhextaal oo cidi igama xigto.

Aqoonyahan Cabdulqaadir A Yarow