Xasan Sheekh oo Shacabka Soomaaligalbeed uga digay in ay Ku Kacdoomaan Gumeysiga Itoobiya“Aan Iska Hilmaano Wixii Hore”

36656518

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay dareen dabadhilifnimo oo ogolaanaya in dowladda Itoobiya ay sii haysato dhulka Somaligalbeed.

Xasan Gurguurte oo dhawaan socdaal ku tagay magaalada Jigjiga ayaa kulamo kala duwan la yeesheen saraakiisha Xabashida Itoobiya ee xoogga ku heysta dhulka Somaligalbeed.

isagoo Cabdi ileey iyo odayaal dhaqameedyo daba qoodhiga la shaqeeya kula hadlayay goob fagaara ah ayuu shacabka Somaligalbeed ugu baaqay in ay iska ilaawaan wax lamid ah dagaalkii 1977 ay lagaleen gumeystaha Itoobiya.

“Nabadda iyo horumarka aad heysataan waa wax lagu farxo wixii la sheegi jiray iyo wixii waqtigii hore yuusan waqtiga nooga lumin dowladnimo ayaan isku ognahay”ayuu yiri Gurguurte.

 

Mas’uulka ugu sarreeya DF-ka ayaa wax xun u arka in shacabka ku dhaqan Somaligalbeed ay dhinac ka raacaan qowmiyadaha kale ee kacdoonka ka wada Itoobiya kuwaasi oo doonaya in ay ka xuroobaan taliska Tikreega.

Dhammaadkii todobaatameeyadii ayay dowladii Soomaaliya xiligaasi ka jirtay ee uu madaxda ka ahaa Max’med Siyaad Barre waxay duullaan ballaaran ku qaaday Itoobiya iyadoo ku guuleysatay in ay xurayso dhulka Somaligalbeed.

Liibaan Jeexoow Cabdi