FAALO:-Dhoohane Xassan Sheikh Maxamuud

pizap.com14711670720831.jpg

Dhoohanuhu waa qof aragtida uu nolosha ku maamulo tahay mid ku jaan go’an heer dhulyaalnimo ah oo ka caagan ogaanshaha mastawaha iyo darajada uu joogo, afkaartisa iyo af-caashisuba waa kuwo aan ka talaabsanin inta ay wax ka arkaan ama wax ka dhaadan dareemadisa fikir iyo garasho, kuwaas oo kadhiga sawir uyaal asal-madoorshe u ah jiritaankiisa qofnimo iyo fahanka falsafadaha abuur ee dabiiciga ah, dhanka kale hadii ay nafta ruuxu dharaaro badan ku nagaato wacaal la’aanta iyo moganaanta xaqiiqda iyo waaqica jira ee dhabta ah waliba isaga oo u arka waxtarka gumaysiga in uu dhoho horumarbaa jira waxay hoos udhigaysaa shaqsiyasiisa qofnimo, taasina waxay keentay inaan maanta “Hasan Sheekh Maxamud” uga fal celiyo lana beegsado qalinkayga hootayga ah.

Hasan Sheek waxaa ka soo if baxay calaamado u dhigan jaantusyo liita, waxayna Itobiya u tababartay gudbinta iyo fidinta xeeladaha uu ku gudan karo waajibaadka ka saaran inuu iskudiro shacabka Soomaaliyed walibana uu dabar-jaro bulshada uu ka dhashay ee Soomaaliyed, dhagarta badheedhka ah ee uu Hasan Sheekh Kula kacay shacabka Ogadeniya iyo Jabhadooda ONLF ee gobonimo-doonka ah waa mid ku qoran buuga madow ee xasuus qorka halganka, waxaanse shacabka Soomaaliyed xasuusin hayaa “Hasan Sheek” waa nin lagu lingaxay sun dadeedka uu damac liitaha gumaysigu u layli  baray sidii uu xirfad ugu yeelan lahaa in loo xanbaariyo inuu tuurta u rito kulana guryo iyo xeryo noqdo muqdishadii uu humaga cabsi nafsiyeedka uga soo hayaamay isagoo noloshu baqdin iyo burdenimo ku jahaynayso gunimaduna isu tustay qaab humaag beeneed ah iyo waliba isagoo qaba talaal dhalan rogan oo kaga mudan maskaxda iyo garashada si wanaagsana balan iyo wacad miigan uga soo qaatay Gumaysiga.

Hasan Sheekh waa nin duran oo moogan meeqaamkiisi uu ku tilmaanaa dharaarihii tagay, wuxuu ka daba saqleeyaa oo ka daba reemaa kuwa dadkiisa dulmiga iyo cadaawada kula jira, isagoo aad moodo tulud geel oo ilmo loo sido, taasina waxay ku timid waa fulay nolosha u caban markastana wuxuu door moodaa dhanka janjeedha oo wakhti kasta ay u cuntanto nolosha xaynteeda gunimada ku aayoota, taas ayaana sabab u ah inuu ka daba reemo kalsoonida geedkaa ma gaadhada ah ee ay ku dadanyihiin danaha lagu fushanayo iyo ujeedooyinka ku qarsoon, dhanka kale waxaa amarada siiya dareemada fulaynimada ah, sooyaalkiisa dhaqanse ma xumee waxaa hogaamisay hunguri xumada naftiisa, markaas ayaa iyadoo laga faa’iidaysanayo garasho xumidiisa waxaa lagu xidhay afkaar jiraban oo lagu xardhay daahanayaal haydaar iyo hantaq gooyo ku ah, waxaana loo xanbaariyay oo lagu maamusay magac beena oo lagu sii jeedalayo inuu hayo shaqo wanaagsan, iyadoo looga gol-leeyahay inuu sii badiyo dibindaabyada iyo sidoo kale dhibaatooyinka uu ku hayo dadkiisa.

Waxaan maqli jiray doqoni waa shideeye” taasi waa mid aan la beenayn karin wa’ayo waxay kuu cadaynaysaa “Hasan Sheekh” mayaqaan wuxuu yahay iyo falalka dhagaraysan ee uu dadka kula kacayo meeshay ku danbayn doonaan, wuxuu maalin walba ka soo jala-buteeyaa wadamada calaamka kuwooda nacabka u ah Soomaali, hadaba waxaan bulshada Soomaaliyed usheeyaga in ay ka fogaadaan iskana ilaaliyaan ninkan waliba looga digo dadka si aysan ugu kadsoomin waana in la saaro karos qalin cas lagu dhigay si looga hor tago halisaha uu hulaaban yahay.

Qof walba oo hada godob ka gala halganka Ogadeniya kaas oo dharaaro ku noolaada nolol hoosiis ah, mustaqbalka-dhaw markii ay Ogadeniya xorowdo ayaa galka seefta looga bixin-doonaa markaas ayuu is arki doonaa isagoo waagu ku baryay oo taagan gagi habaas wayn oo fidho dabayleed ka dhacayso iyo ragii uu bari samaadkii xiligii halganku socday uu godobta ka galay oo hareeraha ka taagan, Xiligaas waxay dhagar qabeyaashu la dalgubyoonayaan dayac iyo darxumo dushooda ka muuqata oo u muuqaal eg neef geela oo dhugato qaba, waxay noqondoonaan dad wakhtigu dharbaaxay markaasaa iyagoo qaawan lagu qosli doonaa, iyaga oo uu garaadkooda dhugasho siiyay tilmaan iyo qaacidooyin dabran oo ay kasoo galxiyeen maankoodi uu gumaysigu dagay, waxay gocan-doonaan oy maskaxdooda wiqiyada ahi soo xasuus celin-doontaa salawgii ay ku reebeen dareemadooda sabaalooyinkii sidii sabi la dhalay lagu sasabi jiray.

W/Q: Liban Miyir Abdi (Kulmiye)

Liibanabdi29@gmail.com