Kooxaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeda Xisbiga Damul Jadiid ayaa ka digay waqti kordhinta uu sameystay Xasan Gurguurte hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulan ay Xisbiyada mucaaradka ah ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay kasoo saareen dhowr qodob oo ay ku sheegeen in ay ugasoo horjeedaan natoojooyinkii kasoo baxay kulankii maamul goboleedyada iyo DF-ka ay muqdisho ku yeesheen.
Axmed Macalim Fiqi oo u hadlay xisbiyada mucaaradka ah ayaa sheegay in waqtiga xukuumadda u haray uu yahay mid gabaabsi kujira isagoona ugu baaqay Xasan Sheekh in uu xilka ka dego marka lagaaro 10-ka bisha 9-aad oo maalmo kooban ay ka harsanyihiin.
“Dastuurka dowladda Federaalka waxaa ku qoran in waqtiga madaxweynuhu xilka haynayo ay ku egtahay 10-ka bisha September sidaas daraardeed waa in marka waqtigaasi lagaaro talada dowladda lagu wareejiyaa guddoomiyaha baarlamaanka”ayuu yiri Fiqi.
Jiha wareer dhanka siyaasadda ah ayaa kajira magaalada Muqdisho waxaana jira cadaadis ay odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin Xasan Gurguurte ku saarayaan in uu shaqada isaga tago madaama uu dhibaata daran usoo jiiday shacabka gobolka Banaadir xilligii uu talada hayay.
Siyaasiyiinta Xisbiga Damul Jadiid ayaa iyana wada dadaal ay ugusii luga fidsanayaan Villa Somalia waxayna ku mashquulsanyihiin sidii ay ugadan lahaayeen codadka xildhibaanada lasoo xuli doono.
Liibaan Jeexoow Cabdi