DAAWO:-:Sheekh Daahir Aw Cabdi oo Si Qiiro leh Uga hadlay Nimankii Calmaaniyiinta ahaa ee Diinta Islaamka Ku Jees Jeesay.

Wali waxaa isisoo taraya jawaab celinnada ay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ka bixinayaa warkii kasoo yeeray siyaasiyiin qurba joog ah oo Mareykanku soo tababaray.

Faysal Cabdi Rooble iyo Max’med Cabdi Max’med oo kamid ah jaaliyadda Soomaalida Mareykanka islamarkaana loo diyaarinayo in ay kamid noqdaan DF-ka ayaa sheegay in Soomaaliya aan lagu maamuli doonin Shareecada Islaamka.

Culimaa’udiin Soomaaliyeed ayaa arrinkaasi siyaaba kala duwan uga hadlay,Sheekh Abuu Cubeydah amiirka Xarakada Al Shabaab ayaa ahaa qofkii ugu horreeyay ee ka diga khatarta siyaasiyiintaasi isagoo sheegay in ay yihiin kuwa gaaloobay.

 

Sheekh Daahir Aw Cabdi oo kamid ah ducaadda Soomaaliyeed ayaa isna si qiira leh uga hadlay gafka diimeed oo ay ku dhaceen qolooyinkan sheegta in ay yihiin siyaasiyiin aqoonyahanna ah!..

 

Aw Cabdi oo wajigiisa qiira diimeed laga dareemayay ayaa soomaalida ugu baaqay in ay diinkooda difaacdaan isagoo kasoo sheekeeyay culimadii ay dowladdii Siyaad Barre Xasuuqday kadib markii ay ka dhiidhiyeen diin ka baxa maamulkii Kacaanka.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa carrab dhabay xukunka ay qaadanayaan Siyaasiyiinta kala ah Faysal Cabdi Rooble iyo Max’med Cabdi oo si cad u sheegay in ay diidanyihiin in shareecada Islaamka laysku maamulo.

Wuxuu sheegay in nimankaasi ay gaaloobeen islamarkaana ay hor dhac u yihiin kuwa badan oo qarsoon kuwaasi oo reer galbeedku ay udiyaarinayaan sidii ay soomaaliya ugu faafin lahaayeen ilxaadka iyo nasaarada.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa kamid noqday culimada tirada yar ee sida qiirada leh uga hadlay kuwa diinta diiday islamarkaana caddeeyay xukunka ay qaadanayaan oo ah kuwa diinta ka baxay isagoona ugu baaqay in ay Alle u towbadkeenaan.