Xasan Sh. Culusow ayaa ka soo muuqday dhulka Soomaaliyeed ee la gumeesto ee uu waajibka ka saarnaa in uu u hiiliyo dadka dhulkaa lagu gumeeysto oo ay isku Diin, Dad iyo Isirba wadaagaan hadii sida uu sheeganayo uu yahay Muslim iyo Soomaaliba.
Xasan oo hab dhaqankiisa ka liita midka xayawaanka ayaa raacay sunadii ay jideeyeen khaa’imminta C/LLaahi Yuusuf, Cali Geedi, Gaas, Siilaanyo, Faroole, Sikiin, A. Madoobe iyo daba dhilifyada tirade badan ee umada Soomaaliyeed hoosgeeyay cadawgeeda taariikhiga ah. Waa wax la filan karay in Culusow gumeeysiga madoow u hiiliyo maadaama xarunta Soomaaliya looga taliyo ee Villa Somalia dagan yihiin maamulaana kuwa safarkii Jigjiga u soo kaxeeyay. Xasan Culusow wuxuu nasiib u helay in uu Madax u noqdo wadan madax banaan oo u dhigma wadamada dunida ka jira dagaal sokeeye soo maray hase ahaatee fursadaha oo kaga soo kaban karo badan yihiin.
Nasiib daro wuxuu door biday in uu gumeeysiga hoos gala halkii uu dalka ka saari lahaa. Ka sii daranee ugu hanbalyeeyo gumeeysiga itoobiya gumaadka iyo kufsiga ay ku heeyso umada Soomaalida Ogaadeenya iyo mida wadanka Soomaaliya ee xorta ah ee uu isagu ku dhaartay in uu danahooda ka shaqeeynayo.
Allaha u naxariistee halyeeygii Soomaaliyeed iyo Madaxweynihii ugu danbeeyay ee Soomaaliya oo xor ah Maxamed Siyaad Barre wuxuu booqasho ku tagay dhulka la gumeeysto markii la xoreeyay intii u dhaxeeysay 1977-78 isagoo halkaa reer miyiga kula caano cabay. Culusoowna isagoo Madaxweyne Soomaaliyeed ah ayaa maanta isla dhulkaa tagay isagoo gumeeysiga ku amaanay isir-Soomaali sifeeynta halkaa ka wadaan kuna aflagaadeeyay xaqlayaasha u taagan in ay xuqooqdooda helaan.
Xayawaanka oo dadka qaarkii u heestaan in ay yihiin kuwa ka liita aadanaha weey dhaamaan Xasan Sh. Sababtoo ah hadii ay cadawgooda arkaan ugu yaraan cagtooda iyo carar ayeey miciin badaan. Culusoowna cadawgeena iyo kiisa ayuu isku beeylah dhigay. Madaxda Soomaalida cid la mid ah oo cadawkooda soo dhaweeya isuguna dara taageero dhaqaale, siyaasad iyo mid milatariba laguma hayo dunidan guudkeeda.
ONLF waa ururka kaliya ee u taagan la dagaalanka iyo ka hortaga intii karaankooda ah cadawga gaamuray ee itoobiya wiilal Soomaaliyeed oo ku hoowlgala duruufo adag oo diiday quursiga iyo qabweeynida cadowga madoow. Haddi ONLF guuleeysato waxaa guuleeystay Soomaali oo idil. Hadalkii Xasan Culusow sheegay wuxii i xasuusiyay doqonkii Nabi Muuse (CS) ka shifay ee ku yiri Muusoow ma waxaad rabtaa in aad I disho sidii aad kal hore nin u dishay. Doqonkani wuxuu u baqay naftiisa, Culusoow wuu ka sii liitaa sababtoo ah lama garanayo cabsi uu ONLF ka qabo in ay disho.
Isgoowraca Xasan Sh. ONLF waxeey ku heshay taageero badan. Soomaali badan ayuu tusiyay wajagiisa dhabta ah iyo in isaga iyo wakiilka gumeeysiga Cabdi Ileey isku mid yihiin Soomaaliyada (xorta) ahna looga baahan yahay in ay iska qabtaan calooshiis la cayaarka isagoo sugi kara jiritaanka Soomaalida ka doortay baaba’intooda.
Waxaa xaqiiqo ah in umada Soomaaliyeed yaqiinsatay in Xasan Sh. Wakiil gumeeysi yahay isaga iyo gumeeysigaba si isku mid ah loola dagaalamayo gudaha iyo dibadaba. Soomaalida waa in ay kala doorataa in ay jiritaankooda u istaagaan ama in ay u diyaar garoobaan wiil injiroole ah oo Makhale ka yimid in ay seedi u noqdaan hadeeysa hadaba u eheen.
Asad C/Salaam