DHAGEYSO:-Maxaad ka taqaanaa Taariikhda Jeneraal Maxamed Cali Samatar

Waxaa dalka Mareykanka ku geeriyooday Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhigga ee Dowladdii uu hoggaamiyaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Inkastoo Jeneraal Samatar uu ka mid ahaa madaxdii sar sare ee Maamulkaasi keligii taliska ahaa, ayaa haddana waxa uu dowr iyo kaalin fiican ka ciyaaray dib u dhiskii Ciidamadii Meliteriga ee Soomaaliya, waxa sidoo kale lagu xasuustaa kaalintii uu kulahaa dagaalkii Sannadkii 1977-dii dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dadka yaqaana Jeneraal Maxamed Cali Samatar waxay sheegaan inuu ahaa Nin Wadani ah oo gumeysi diid ahaa, wuxuuna xilliyadii dambe ee uu ku noolaa dalka Mareykanka uu aad uga hadli jiray Siyaasiyiinta Soomaalida ee daba dhilifyada u noqday Dowladda Itoobiya.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS