Raqda Guumaystaha Itoobiya Daawasho Macaanaa!+ Eedayn ku wajahan Xasan Sheekh, Qore-Xaaji M/Rashiid

36695099.jpg

Dhacdooyinka dunidu waxay u qaybsamaan laba qaybood mida hore waa sheeko ama taariikh aadan isha ku haynin ta labaadna waa itus oo i taabsii. Waxaa dunida dacaladeeda ka socda daawashada filim wax badan la sugayay kaasoo ku saabsan inay dabarka goosteen malaayiin dad ah oo ku hoos dabranaa koox Tigray ah oo afduub ku haystay sanooyin badan. Waa koox caan ku noqotay inuu hunguri maskax ku dhacay oo garashadoodii ay daaqada ka baxday. Waxaa la sheegay in wiil doqon ahaa la siiyay Dhiil caano ah, wuxuu nuugaba Sanka ayay kasoo daateen, markasaa la waydiiyay war maad iska daysid, wuxuuna ku jawaabay, Caqli away! waxaa caadi iska ah in cidii wanaagu deeqi waayo ay xumaantu deeqdo. Kooxda dad qalatada ah ee tigreegu waxay marayaan xaalad ay siyaasadoodii busaaradi ku habsatay kadib markay gude iyo dibadba ku fahilmeen. Dhanka kale waxaa dhici karta inayba ku tala gashan yihiin inay burburiyaan taliska dhexe mar haday isku hayn kari waayeen, taasoo faa,iidada ugu jirtaa ay noqon karto inay gobolkooda goostaan isla markaana difaacdaan.

Si kastaba ha ahatee waxaa itoobiya ka socda wax qaabkii filim u muuqda balse dhab iyo xaqiiq ah kaasoo ah inay mawjado afaf kala duwan ku hadlayaa jidhayaan ciidanka woyaanaha oo adeegsanaya Rasaas nool, taasoo nidaamka dawliga ahi uuna ogolayn. Isu wada geeyoo waxaad ku garan colaada ay qaateen qowmiyaduhu heerka ay gaadhsiisan tahay, in Qowmiyada Axmaaradu iskala waynaan jirtay inay Soomaali iyo Oromo safka mudaaharaadka la galaan, balse waxaa muuqata inay isla waynidaa ka tanaasuleen. Waxaan u rajaynayaa inay masiibada iyo murugadu kusii badato quluubta Woyaanaha, meesha dhanka kale dulmanayaasha aan u rajaynayo inay durba guulaystaan. Ugu dambayn hadaan tusaale u sameeyo heerka uu gaadhsiisan yahay daawasho macaanida filimka ka shidan itoobiya iyo Raqda daadsan, waa heer Kaffeegii qadhaadhaa macaan kaaga dhigi kara, markaad daawanayso filimkaas.
Eedayn iyo Dhabar garaac ku wajahan Xasan Sheekh Maxamuud

Waxaa asbuucyadan lasoo dhaafay hawada wasakheeyay siyaasad xumadii M/waynaha Somaliya Xasan sheekh taasoo ahayd inuu ku dhaqaaqay talaabo si wayn hoos ugu dhigtay karaamadii kursiga uu ku fadhiyo iyo magicii dawladnimo intaba. Talaabadaas hadaan ifiyo wuxuu safar ku tagay magaalada jigjiga oo ku jirta gacanta guumaysiga itoobiya, taasoo la micna ah inuu gacantiisa isku toogtay. Meesha wuxuu ka jeediyay hadalo lamid ah kuwii cabdi ilay ama kasii liita. Ma la odhan karaa haybadii m/waynenimada hadayba jirtay wuxuu kaga yimid Xamar, jigjigana wuxuu ku yimid qaabkii qurba joogta. Waxaa la yaab leh waqtiga uu wadaadka safarkiisu kusoo aaday waaba waqti Habrihii Axmaarada iyo Oromadu ay Udbahoodii kala baxeen taliska Adis ababa ee odayga maxaa si ka ah.

Dhanka kale Waxaan aad uga xumahay af lagaadada uu u gaystay gobanimo,doonka Halyeeyada ah ee ONLF uu waliba cadowgoodii ku hor caayay. Waxaa fiicnayd inuu iska aamuso haduu gudan kari wayay xaqii ay ku lahaayeen. Waxaa kaliya oo safarkiisa iyo hadlkiisuba cadaynayaan meesha ay yaalaan haybadii dalka iyo dakii soomaaliyeed, balse waa ilaahay mahadii hadaan maanta waxba laga waydiinaynin masiirka dalka Ogadenya, indhihiisa oo shan ah ayuuna xoroobi doonaa dalkaasi idam ilaahay.

Waxaan u sheegayaa guud ahaan sharaf,doonka u dhashay Ogadenya meel uu joogaba in xalka qadiyadu ku jiro gacanta ilaahay, kadibna gacanta halgamaaga, dalkuna wuxuu xoroobi doonaa markii mid kasta oo sun iyo mariid caloosha halganka iyo dadkiisa ugu haya ilaahay banaanka soo dhigo ee hala adkaysto.

Xaaji M/Rashiid Aw Macalim
Qoraa Madax banaan