DAAWO:-Daawo: Aljazeera oo Soo Bandhigtay Tigrey oo Kaqaxaya Gonder Kadib Markay Lafohoodii U Cabsadeen.

TV ga caalamiga ah ee Aljazeera qaybtiisa ku baxda luuqada Ingiriisiga ayaa ka diyaariyay barnaamij aad u xiisa badan oo ku saabsan khatarta iyo dhibaatada lasoo daristay Qawmiyada Tigrey ee kusugan deegaamada ay kacdoonka ka wadaan Qawmiyadaha Axmaarada iyo Oromada.

Warbixinta Aljazeera ayaa waxay shaaca ka qaaday heerka uu gaadhay nacaybka iyo cadawtinimada shacabka Itoobiya uu u hayo qawmiyada tirada yar ee Tigrey oo maanta maraysa heer ay iskaga qaxaan deegaamadii ay kunoolaayeen 25-kii sanee u dambay, iyagoo lafooda ula baxsanaya isla markaana iskaga dhaqaajiyay waxay hanti iyo guryo ku lahaayeen deegaamada kacdoonku uu kasocdo sida magaalada Gonder.

Hadaba hoos ka daawo warbixin maqal iyo muuqaal ah oo Aljazeera TV ay kasoo diyaarisay xaalada adag ee lasoo daristay Woyaanaha iyo meesha xaal marayo maanta oo Tigrey qax kuyihiin wadankay kasoo talin jireen mudadii nus qarniga ahayd.