Ganacsadaha Caanka ah ee Xaaji Abuukar Cumar Cadaan ayaa markii ugu horraysay 10 sanadood kadib ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya tan iyo markii ay burbureen maxkamadihii islaamka.
Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa sheegay in dalka iyo dadkuba ay kusoojireen been lagusoo maamulayay ilaa 1960kii loona baahan yahay xiligan in beentaas laga gudbo oo lahelo maamul cadaalad ah oo runta iyo kitaabka alle ku dhaqa
Mar uu ka hadlay dhinaca cadaalada waxaa uu carrabka ku adkeeyay hadii aan lahelin xukun diinta islaamka waafaqsan soomaaliya in aan waxba u hagaageynin qofkii kitaabka allaah kor uqaadana rabi uu kor uqaadayo dadkuna uu baari u noqonayo.
Xaaji Abuukar Cumar Cadaan waxaa kale oo uu sheegay in hoggaamiyaashii dowladda Federaalka soo maray ay dabeecad ka dhigteen in ay been sheegaan islamarkaana ay wada shaqeyn laleeyihiin dowlado shisheeye gaala ah kuwaas oo marnaba aan ogoleyn in shacabka soomaaliyeed ay heleen ammaan ku yimid shareecada islaamka.
Mar wax laga weydiiyay waxa xilligan ku dhaliyay in uu warbaahinta ka hadlo uuna caddeysta mabda’iisa saliimka ah ayuu yiri “wax badan ayuu Ciil ihaayay ee beriga waa lajoogi waayay waana sheegdhay wixii aan rumeysnaa”.
Abuukar Cumar Caddaani ayaa ku faanay in uu yahay shakhsi marwalba u dadaala sidii shareecada Islaamka loogu maamuli lahaa dalka Soomaaliya isagoo tusaale usoo qaatay gacantii taageero ee uu u fidiyay maxkamadihii islaamka ee Koonfurta soomaaliya ka hana qaaday sanaddii 2006 iyo maxkamaddii Sheekh dheere hoggaaminayay ee sagaashameeyadii Muqdisho ka howlgashay.
“Nin rag ah xantiisa ma mooga xoolihiisana ma arko ayaa soomaalidu tiraahdaa aniga waan ogahay in ay wax iga sheegaan oo ay idhahaan waa alqaacidda balse anigu wax qarsan maayo oo marwalba waxaan taageeri jiray in shareecada islaamka dalka lagu maamulo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xaaji Abuukar.
Mar uu soo hadal qaaday maamul goboleedyada itoobiya taabcsan ee Soomaaliya kajira ayuu sheegay in ay yihiin kuwa cadawgu wato taasina aysan dan u aheyn umadda soomaaliyeed “in qofku gaal ahaado iyo in uu muslim ahaado wax ka dhaxeeyo majiraan dad muslimiin sheeganaya oo sidii gaalada u dhaqmayo maxay ahaayeen” ayuu xaaji abuukar isweydiiyay isagoo farta ku goday in shisheeye lala shaqeeyo iyo hantida dadka oo la boobo aan dowlad lagu noqon karin.
Abuukar Cumar Caddaan oo ah Nin da’ ah islamarkaana gacan weyn ka geystay jebintii dagaal oogayaashii Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xarigga alle qabsadaan islamarkaana ay caddeeyaan mowqifkooda diimeed isagoo tusaale usoo qaatay in Donlad Trump murashaxa xisbiga Jamhuuriga Mareykanka uu caddeeyay sida uu islaamka iyo Muslimiinta u necebyahay sidaasi si lamid ahna looga baahanyahay soomaalida in ay gaalada naceyb umuujiyaan.
Caddaani ayaa soo hadal qaaday faa’iidada amnigu uu u leeyahay bani’aadamka gaal iyo muslimba haddii shareecada islaamka laysku maamulana ammaan iyo nabad gelyo la helayo.
Xaajiga ayaa ka shanqariyay in dadka Muqdisho hantidooda la boobay islamarkaana ay dhibanyihiin isagoo rajeeyay in dad badan oo kheyrbadan ay dhawaaqaan oo ay xumaha Muqdisho kajira ka dhiidhiyaan.
“Waqtigii af-daboolan dahab waa dhmmaaday waa in dadku soo baxaan oo ay dalbadaan shareecad Islaamka” Xaaji Abuukar Caddaani.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran MP3
http://c.top4top.net/m_235zu541.mp3
Isha Wareysiga: Radio Dalsan