Xiriirkii Maraykanka & Itoobiya oo Mad-Madoow Soo Kala Dhex Galay.

Faalo: Xidhiidhkii Maraykanka & Itoobiya oo Mad-Madoow Soo Kala Dhex Galay.

Dowladaha Maraykanka iyo Itoobiya ayaa waxay lahaayeen xidhiidh isku danaysi sanadihii lasoo dhaafay. Taliska Woyaanaha ayaa been iyo borobagaande aan geed loogu soo gabanin oo munaafaqad iyo labo wajiilenimo ku salaysan kula dhaqmi jiray beesha caalamka.

Maraykanka oo dano gaar ah ka lahaa taliska Woyaanaha ayaa ciyaartan laftigeeda dhinac ka waday, taasoo ay u adeegsan jireen Woyaanaha inay u jeedooyin gaar ah uga fuliyaan Geeska Africa. Xidhiidhkas ku salaysan isku danaysiga iyo munaafaqada ee u dhexeeyay labada dal ayaa maanta u muuqda mid burburay, kadib markii Maraykanku uu ogaaday inaysan Woyaane been dambe oo gadmi karta lasoo shir tagi karin.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa kula kulmay magaalada Nairobi wasiirada Arimaha Dibbadda ee dalalka Geeska Africa qaarkood sida Somalia, Kenya, Uganda iyo Konfurta Sudan. Kulankan oo u jeedadiisa ugu wayn ay ahayd in lagu gorfeeyo arimaha Somaliya iyo Konfurta Sudan ayaan laga soo qaybgalinin Itoobiya oo horaan looga bartay in arimaha labadaas dal (Somalia iyo Konfurta Sudan) looga dambeeyo, taaso ay Itoobiya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba kuheli jirtay balse maanta aysan wax saamayn ah kulahayn.

Gumaysiga Itoobiya ayaa 25-kii sano ee lasoo dhaafay kaalmo dhaqaale iyo mid siyaasadeed beesha caalamka kaga helay beentii iyo borobagaandihii ay ka iibin jireen oo ahayd inay Itoobiya tahay furaha Geeska Africa oo iyaga la’aantood aan waxba laga qaban karin xaaladaha murugsan ee ka taagan Geeska Africa gaar ahaan Somaliya iyo Konfurta Sudan, laakiin maanta kacdoonka kajira gudaha Itoobiya iyo fashilka lasoo darsay ayaa Itoobiya waxay lamid tahay ” Tiisa Daryeelaa Tukale Ku Dara oo Kale”.

Dhinaca kale guud ahaan wadamada ree Galbeedka, gaar ahaan dawlada Maraykanka ayaa yiqiinsaday inaysan Itoobiya ahayn wadan la isku halayn karo kadib markii beesha caalamku ogaatay sida waxshinimada iyo uus-xabaalka leh ee shacabka masaakiinta ah loo xasuuqay xuquuqdoodiina loo duudsiyay iyo cadaadiska aan kala joogsiga lahayn ee lagu hayo shucuubta ku hoos dulman taliska Woyaanaha.

Gumaysiga Itoobiya ayaa maraya marxalad aan kasoo noqosho lahayn oo keentay inaan lagu tashan karin jiritaankeeduna uu meel halis ah marayo, kadib markii loo tagay xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta wadanka Itoobiya. Go’doominta soo food saartay Gumaysiga Itoobiya ma’aha mid maanta bilaabatay ee waa qayb kamid ah waji-gabixii kasoo gaadhay fagaareyaasha caalamiga ah oo Itoobiya ay kanoqotay duke canbaar leh dhowr iyo tobankii sano ee u dambaysay.

ONA.