Waxaa si cadaana u soo If baxday siina xoogaysanaysa cadaawada kusalaysan cunsuriyada ee kadhex curatay 81-ka Qomiyadood ee magaca Itobiya ku midaysnaa, balse ahaa kala Sinjiga, kala Diinta kala dhaqanka iyo kala Afka.
Waxaa meesha kabaxday kalsoonidii lagu qabay Hanaanka dawliga ah tan iyo markii ay xoogaysteen kacdoomada kasocda magaalooyinka waawayn ee Oromada iyo Axmarada, sidoo kalana magaalada Addis ababa ay ku biirtay kacdoonka kala aragtida ah ee socda.
Kala Guurka iyo kala Gurashada Qomiyaduhu kuma eka oo kaliya dhulalka Oromada iyo Axmaarada mana jirto hal Qomiyad ah oo mid kale Aaminsan, Tusaale ahaan dadka kasoo jeeda Qomiyada Axmarada ee kunool magaalooyinka Oromada, ayaa bilaabay Todobaadkan inay isaga Guuraan magaalooyinkii ay daganaayeen oo Beero iyo Hanti kale ay kulahaayeen, sidoo kale Oromada ayaa isugu soo aruuray dhulkooda iyaga oo soo baneeyay dhulalkii kale ee ay Itobiyanimada kudaganaayeen.
Marka la fiiriyo Qomiyada Tigreega waxay xitaa ka Guureen magaalada Addis ababa oo ay kala baxeen wixii Hanti kataalay noocay dooniba ha noqoto e, waxayna isugu aruureen halkii ay kasoo jeedeen iyo dhulkoodii Tigray, waxaa se xusid mudan in magaalada Jigjiga ay dhamaadka Todobaadkii ina dhaafay soo dageen Qoysas Tigree ah oo dhulka Axmaarada iyo Oromada kaqaxay, kuwaasi oo aan Rajo badan laga qabin inay sii joogaan magaalada Jigjiga.
Deegaamada shucuubta Konfureed oo ah halka ay kunool yihiin in kabadan kala badh Qomiyadaha Itobiya waxa loogu yeedho, ayaa iyaga naftoodii kala baxay Qolo walibana waxay dabada lagashay deegaankii iyada gaarka u ahaa, sidoo kale deegaamada Benishagulka iyo Gambelaha ayaa iyagana waxaa isaga Ruqaansaday dadka aan u dhalan dhulkaasi, gaar ahaan Oromada iyo Axmarada ayaa beenay, balse waxaa Benishangulka kusugan wali waxoogaa Tigree Ganacsato iyo Beeraley isugu jira.
Kala Guurkan oo ah kii ugu horeeyay ee soo mara Qomiyadaha kala duwan ee Hoostagayay dalada Itobiya ayaa muujinaya halka uu marayo Heer kulka cunsuriyada iyo cadaawada kusalaysan ee laga dhaxlay cadaadiskii xukunka TPLF, sidoo kale kala Guukani waa Astaantii ugu horaysay oo banaanka soo dhigaysa dhamaadka wixii ladhihi jiray Abasiiniya ee Itobiya kadhalatay oo Qarniyo si is dulsaar ah kusoo jiray, sidoo kale kala Guurkani sida cadaanka ah u socda oo waliba Gaadiidkii dawlada lagu kala Qaxayo waa Astaantii ugu dambaysay ee Itobiyanimada oo haatan wixii kadambeeya aanay jiri doonin cid u taagan difaaceeda.
Talaabada xigi doonta Kala Guurka ayaa noqonaysa dagaalo lagu Hoobto oo kadhex Qarxa Qomiyadihii mudada dheer sida Ju-juubka ah isugu dul noolaa, waxaana saldhiga dagaalka Qomiyaduhu uu noqon doona dhul kala riixasho isu awood sheegad maamul isir Nacayb iyo mid dhaqaale intaba taasi oo abuuri doonta in Qaxootigii ugu badnaa Abid uu dalkaasi ka firxado.
OGADEN24.INFO