Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameedyo Sheegay in Shacabka Muqdisho ay Gumeysi daran Ku Jiraan kuna Baaqay in lagu Kacdoomo Itoobiya iyo Xasan Gurguurte.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo siyaasadeed oo Xasaasi ah dhammaantoodna waxaa loogasoo horjeedaa Xisbiga Damul Jadiid ee Xasan Sheekh madaxda ka yahay.

Odayaal dhaqameedyo horay utaageeray dowladda Federaalka ayaa hadda waji cusub lasoo baxay iyagoo isku muujinaya wadaniyiin shisheeye diid ah!.

Taageerayaasha Shariif Sheekh Axmed ayaa dib boorka isaga jafay qaarkood waxay sheegayaan in qabiilka Hawiye dhuunta looga qabtay magaalada Muqdisho halka qaar kale ay ku qeylinayaan in Hawiye gummoobay loona baahanyahay in dadka beeshaasi ku abtirsado ay kacdoomaan.

Ugaas Cabdi Daahir oo ka hadlay kulan Muqdisho ka dhacay ayaa eedayn culus u jeediyay Xasan Gurguurte balse Afhayeenkii hore ee beelaha Hawiye Nabadoon C/llaahi Dheere ayaa si adag ula hadlay Xasan Gurguurte iyo shacabka Muqdisho.

C/llaahi dheere wuxuu sheegay in dadka gobolka Banaadir ku dhaqan ay kujiraan gumeysi islamarkaana Villa Somalia uu maamulo Jeneraal Gabre taliyaha ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya.

“Hawiyoow waad gummoowdeen madaxtooyadii qaranka waxaa fadhiya Xabashi Amxaar Itoobiyaan ah Jeneraal Gabre, markii uu xilka haayay C/llaahi Yuusuf waan dagaallamaynay laakin markii Nin hawiye ah xilka qabtay gumeysi ayaan ogolaanay”ayuu yiri C/llaahi dheere.

Siyaasiyiinta iyo waxgaradka kulmay ayaa shacabka gobolka Banaadir ugu baaqay in ay la dagaalamaan ciidamada Itoobiya ee soomaaliya kusoo duulay si ay gumeysiga uga xuroobaan.

Dhawaqyadan dhegaha shacabka cusub ee wax iska dhicin ku baaqaya ayaa loo malaynayaa in siyaasado laga leeyahay oo dhinacyada jeedinaya aysan daacad ka aheyn.

Ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee Soomaaliya kusoo duulay ujeedkooda ayaa ah in ay boobaan kheyraadka dalka dadkana xasuuqaan iyagoo aan qabiil gaar ah beegsanayn, qabaa’illada soomaaliyeed ee wilaayaadka islaamiga ah deggan ayaa xarakada Al Shabaab ku garab taagan iska dhicinta shisheeyaha soo duulay.

Dadka Muqdisho oo busaaradda iyo faqrigu ku raagay ayaa laga yaabaa in ay kacdoon dhab ah sameeyaan haddii markale Xasan gurguurte dib usoo laanto sida ay saadaalinayaan dadka falanaqeeya arrimaha siyaasadda.

Liibaan Jeexoow Cabdi