Afduubkii Kornayl Demeke Zewdu oo Mar Sadexaad Gonder Ku Fashilmay.

36624673

Ciidamada Wayaanaha ee kusugan Magaalada Gonder ee Woqooyiga Gobolka Axmaarada ayaa ku fashilmay isku daygii sadexaad ee ay kudoonayeen in ay kula baxaan Kornaylka udhashay qoomiyada Axmaarada ee ku xidhan magaalada Gonder.

Galabnimadii shalay ayay kooxda TPLF isku dayday in ay xabsiga kala baxaan Col Damake Zawde oo ciidanka wayaanaha ugu xabisan magaalada Gonder kadib markay ku eedeeyeen in uu kacdoon wadayaasha Xabashida ah lasafan yahay hase yeeshee isku dayga ciidanka wayaanaha waxaa beeniyay shacabka Axmaarada oo is hortaag buuxa kusameeyay in Sargaalkan lageeyo Gobolka Tigree.

Kornayl Damake Zawde ayaa mudo kujiray gacanta ciidanka gumaysiga waana markii sadexaad ee lafashiliyo qorshe lagu qaadi lahaa Sargaalkan oo siwayn looga yaqaano Gobolka Axmaarada.

Is hortaagii shalay ee shacabka kadib waxaa xabado kor uriday taliyaha ciidamada gumaysiga ee Gobolka Gonder oo u dhashay qoomiyada Axmaarada wuxuuna taliyuhu sheegay in uusan shacabkiisa xabad ku ridi doonin isla markaana uu joojinayo howl galka lagu qaadayo sargaalkan kacdoonku uu kabilowday ee udhashay qoomiyada Xabashida.

Kooxda TPLF ayaa arintan aad uga niyad jabtay kadib markuu taliskii ciidanku garab siiyay mar kale shacabka Axmaarada ah waxayna kooxdu umuuqataa mid isku dhan laga maray isla markaana la waxay aaminaan oo dadka lagumaada.

ONA.