TWITTERKA WASIIRKA-Fashil Wasiirka Amniga: “ Ciidamadu si fudud fooda uma gali karaan Meeshii la weeraray…..”.

36720413

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ay qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka sheegay in si fudud aysan Ciidamadu fooda ku galin Karin meel weerar ka dhaco,wuxuuna niyad xumo ka muujiyay  wax ka qabadka weerarada qabsada,wuxuuna si dadban u dhaliilay ciidamada loogu tala galay howshan.

Hadalkaas uu ka muuqdo Niyad Jabka ayuu sheegay Wasiirka Amniga xilli Al Shabaab dagaalyahanno lagu qiyaasay 2-3 kaliya ay kula wareegeen Banaadir Beach oo ku taalla Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Wasiirka Amniga ayaa tani waxa ay calaamadeyneysaa Fashilka aan daahsooneen ee hareeyay Wasaaradda uu majaraha u hayo.

Marka ay dhacaan weerarada nuucaani ah oo iyagu isdaba Jooga ah ayaa waxaa dhici jirtay in xilka laga Xayuubiyo ama haddii la ixtiraamayo amar lagu siiyo in uu Iscasilo Wasiirka Amniga.

Hase ahaatee Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ku taamaya xilkiisa iyadoo ay bilqan noqdeen weerarada Amni darri ee Al Shabaab ay dusha u ritaan Masuuliyaddooda.

Taasi ayaa loo sababeynaa in Wasiir Cabdirisaaq ay u saamaxday   Xasan Sheekh Maxamuud oo qaraabo dhow ay yihiin islamarkaana aan kala jecleen ammaanka sii liicaya ee hadda guud ahaan dalka saameeyay gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Al Shabaab oo ka faa’ideysanaya Habacsanaanta Amni ee ka jirta Muqdisho ayaa sii laba jibbaaray weerarada ay ku soo qaadaan Caasimadda.

Isbedelo lagu sameeyay waxa la yeero Nabad Sugida Qaranka ayaan waxba soo kordhin,waxaana dhawaan xilkaas loo dhiibay Gen.Gaafow oo ah waayeel  daalan,wuxuuna la yaabay ciidanka lagu wareejiyay inay yihiin  kuwa Mooraan ah ,hadana hal beel u badan!

Hadaba maadaama taas aysan waxba doorin habacsanaantii Amni ee ka jirtay Caasimadda iyo qeybaha kale ee dalka ma la is oran karaa qaladka waxa uu ka jiray oo isbedel in lagu sameeyaa ay tahay Wasaaradda Amniga oo ah hay’adda ugu sareeyo ee dhanka ammaanka Gudaha ugu xil saaran dowladda Soomaaliya , gaar ahaan  Wasiirka Wasaaraddaas Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo howshiisa ku fashilmay.

Taasi waa midda had iyo goor ay isweydiinayaan Qeybaha Bulshada Soomaaliyeed haba ugu horreeyaan reer Muqdisho.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS