DHAGEYSO:-Cabdullaahi Gaafow OO Sheegay Inaysan Waxba Ka Qaban Karin Ammaanka Muqdisho.

Magaalada Muqdisho Caasimada Soomaaliya waxaa kusoo badanaya Howlgalada Qorshaysan ee ka imaanaya Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Mid kamid ah weeraradii ugu danbeeyay waxaa lagu qaaday Hotel Lagu Caweeyo oo ku yaala Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkaasi iyo kuwa kale oo dhacay todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Muujiyay habacsanaanta Laamaha Ammaanka.

Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Dowladda Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay inaysan waxba ka qaban karin ammaanka Muqdisho.

“Nin raba inuu geeriyoodo islamarkaana ku dilaya  lagama hortagi karo” Gaafow

Alshabaab ayuu sheegay inay leeyihiin mab’da ay adagtahay in laga Hortago.

Waxa uu dhaliilay shacabka oo uu ku eedeeyay wado shaqeyn la’aan.

Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS