WARBIXIN:-Dibulumaasiyiintii Dawlada Itoobiya Dalalka Dibada U Joogey Oo Baxsanaya.

Image result for tigre diplomatic

Dowlada uu Tigray-gu awooda badan leeyahay ma ahaan doonto mid sii waari doonta mudo dheer, waxaa sidaas lagu yiri faallo uu qoray wargeyska STRATFOR Jimcahii, Bisha August aheyd. 19, Sanadkan 2016-ka

Waxaa taliska ka baxsaday lix diblomaasiyiin sar sare ah oo ka shaqeynayay safaaradaha ay Itoobiya ku leedahay dalalka Ghana, Mareykanka, Koonfur Afrika iyo dalka Hindiya horaantii bishan August.

 

Dr. Yohannes Getahun iyo Ms Emebet Birru ayaa safaaradooda Washington ka goostay. Mr. Elias Worku iyo Ato Getachew Mulualem oo qunsulo ka ahaa Safaaradooda Koonfur Afrika ayaa baxsaday. Ato Eshete Misgana iyo Ato Henock Asnake oo dalalka Ghana iyo Hindiya uga ahaa qunsulo ayaa sidoo kale goostay oo baxsadey.

Feyisa Liles, orodyahankii Itoobiya ee kaalinta 2-aad galay tartankii orodka Olombikada ee Rio, Braaziil ayaa isaguba diiday in uu dalka Itoobiya ku noqdo ka dib markii uu ku mudaharaaday dowlada.

Waxa uu sheegay Feyisa Liles in uu ka soo jeedo qabiilka Oromada, kuwaas oo la leynayo marka ay si dimuqraadi ah u mudaharaadaan. Haddii uu ku laabtana dalkiisana qoorta loo dheeraynayo oo la dilayo. laakiin dawlada Itoobiya iyadu waxa ay sheegtay in ayna ciqaabeyn orodyahanka.Si magangaliyo siyaasadeed loogu raadiyo Feyisa Liles, waxaa loo uruuriyay in ka badan $100 kun oo dollar mudo labo cisho gudahood ah.

Waxa ay maalmahan si weyn warbaahinta Reer galbeedku u hadal haysaa in dalka Itoobiya noqondoono mid dagaal sokeeye madaxa la gala. Aqoon yahanka Tigray-gu waxa uuba aaminsan yahay in uu dalka ka badbaadiyay dagaal sokeeye 25 sano oo uu talada dalka xukumay. Sidaasna uu kuba dadaalay intii karaankiisa aheyd.

Ciidanka ayaa la wareegay talada Ismaamulka Axmaarada iyo Oromada, waxaase loo yaabaa marka ay dhawaan ciidanku u kala fariistaan isir, isir, waxaa sidaas lagu yiri faallo dheer oo lagu qoray website-ka Okay Africa.

Bahir Dar, Caasimada Kililka Axmaarada waxa ay dadku maalintii 4-aad hoosta kaga jiraan guryaha, iyaga oo shaqooyinkii iyo adeegii ay u soo bixi jireen sidaas ku joojiyay. Qaabkan mudaharaadka ah ee dalka ku cusub ayaa culeys gaar ah saaray Taliska Tigray-ga; waa caasimadii looga arimin jiray Kililka Axmaarada oo shib iyo shanqar la’aan ah.Tuhun la xiriira in ay qorshe u dagayaan Tigray-ga, dadkan guryaha ku xareysan ayaan meesha ka marneyn.

Magaalada Gondhar oo iyadu ah Bengazi-dii Liibiya oo kale ayaa ah gobolka Axmaarada ee ugu hor bilowday mudaharaadka guri jooga ah. Warbaahinta Mareykanka ee ku baxda Afka Tigray-ga ee VOA Tigrigna ayaa sheegtay in mudaharaad cusub ka dhacay Gondhar 24-kii, August sanadkan 2016-ka.

Waxa ay ka fikireen Tigray-gu sidii ay dadka dibada ugu soo saari lahaayeen. Waxaa ku soo dhacay fikirka ah haddii ay idaacada VOA Laanta Af-Axmaariga la hadashiiyaan sargaalka Axmaarka ah ee Col. Demeke Zewdu, sida ay iyagu rabaana uu u hadlo in xaalku sidaas ku dagayo.

Col. Demeke, waa mid ka mid ah raggii sida adag uga hor yimid in tuulada Walkeyt oo hoos iman jirtay magaalada Axmaarada ee Gondhar, ka hor inta aan la hoos geyn Ismaamulka Tigray-ga 90-aadkii, ay ka sii mid ahaato is maamulka Tigray, maadaama ay odayaashu sheegeen in isirkoodu yahay Axmaaro oo ayna ba aheyn Tigray.

Waxa ay xaajadu noqotay ka dar oo dibi dhal, markii uu sidii ay rabeen Tigray-gu u hadli waayay Sargaalkii Axmaarka ahaa ee ku jiray xabsiga Angereb. Waxa uu sii kiciyay dadkii Axmaarada markii uu u sheegay in ay ku adkeystaan banaanbaxa looga soo horjeedo Taliska Tigray-ga Arbacadii, August. 24 markii ay aheyd 2016 . Waxa ayna ku adkeysteen in ay guryaha ku sii jiraan.

Hase yeeshee, fikir kale oo ay la yimaadeen Tigray-gu ayaa ku talinaya in dadka guryaha ay kaga soo bixi karaan haddii loo sheego in sargaalkooda oo galaaftay ugu yaraan labo nafood askar ka mid ah ciidanka booliska Tigray-ga oo ahaa saraakiil sarsare, waxa loo qaadayaa Addis Ababa, si loogu soo maxkamadeeyo.

Waxaa jirtey in uu dagaal ku dhexmaray Xabsiga Angereb ciidanka booliska deegaanka ee Axmaarada oo difaacaya sargaalkooda xiran iyo ciidanka Federalka Itoobiya. Waxaana la arkay diyaaradaha qumaatiga u kaca oo joog hoose ku duulaya, hase yeeshee, wali ma cadda halka uu dagaalku marayo.

 

Dhanka kale, waxa uu Arbacadii mudaharaad xoogan ka dhacay Finote Selam, magaalada Gojjam taas oo calankii Axmaarada laga suray, midkii dowlada Federalkana la dajiyay inta badan tuulooyinka ku hareeraysan magaalooyinka Gojjaam iyo Gondhar ayuu ka babanyaa calankoodu.

Gees kalena, abaabul ciidan ayaa garab socda mudaharaadyada ay wadaan Axmaaradu, kaas oo isna khatar kale ku ah taliska Tigray-ga.

Qoraa sare Ahmed Abdi iyo Abdulahi Nur Colombo ayaa wadajir u diyaariyey warbixintan.

Voice Of Somalia-SOMALI  LEAKS