Inkastoo taariikhda Halganka iyo wanaagii uu dalkiisa gaarsiiyey aanan halkan lagu soo koobi karin, hadana Gen. Maxamed Cali Samater waxaa sharaf iyo qiimo ugu filan in uu ahaa halyeeygii sanka dhulka ugu jiiday dowladaha cadowga ee jaarka nala ah, soona celiyey Jig-jiga iyo magaalooyinkeenii Soomali-Galbeed.
Samater wuu gutay waajibkii ka saarnaa ilaalinta dadkiisa iyo dalkiisa, wuuna ku faraxsanaa sida dhalinyaranimadiisii uu dalkiisa kaga soo ilaaliyey bahalada iyo cimriga dheer ee uu Alle gaarsiiyey balse wuxuu ka murugeysnaa sida loo dayacay mirihii halganka iyo fursadda uu helay cadowgii soo jireenka ahaa ee dabinta ku raadinayey dadka Soomaaliyeed.
“Waan jeclaa in aan idin arko idinkoo mideysan oo cadowgiina cunaha kaga taagan laakiin ma arki doono sida ii muuqata” ayuu yiri ka hor inta uusan geeriyooni
Gen. Samater wuxuu aad kaga walwalsanaa sida dowladaha Kenya iyo Itoobiya ay u qeybsadeen Dekadaha iyo magaalooyinka Soomaaliya, ayna u hanteen hoggaanka maamulka ku sheega ka jira Soomaaliya.
“77-dii waad xusuusataan, daaqadaha Addis Ababa ayaanu garaacnay, maantana dakadda Berbera waxaa Xamaali ka ah Itoobiya, wax kale iskaba dhaafe” ayuu yiri Samater oo aad u qiireysan xilli uu ka hadlayey kulan uu kaga qeybgalay wadamada qurbaha.
Damaca Itoobiya iyo Talada Samater.
Wuxuu isweydiiyey sababta dhalinyarada Soomaaliyeed ay qiiradii kaga tagtay oo ay dib u milicsan la’yihiin sharaftii iyo cizigii ay lahaayeen. Wuxuu dhalinyarada rag iyo dumarba ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan gumeysiga cusub ee kaga imaanaya Itoobiya iyo Kenya.
Wuxuu sheegay in damaca Itoobiya iyo Kenya ee Soomaaliya uu yahay mid ay ku doonayaan in ay ku boobaan kheyraadka iyo hantida dadka Soomaaliyeed.
Si gaar ah wuxuu sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay qabsato Dakadaha magaalooyinka Soomaaliya maadama aysan lahayn bad ama xeebo sida uu sheegay.
Markaan si wanaagsan u dhuuxay hadalada Samater, kuna noqnoqday markale iyo mar saddexaad waxaan aad kaga xumaaday in dabadhilif Xasan Sheykh oo kale ah uu Janaazo ku tukado Nin halyeey Samater oo kale ah. Waxaana dhowrjeer ku soo cel-celiyey oraahda ah “Samater dabadhilif ma ahayn……laakiin dabadhilif ayaa xaadiray duugtiisa”.
Koox ka mid ah hogaamiyeyaasha dabadhilifka u ah Itoobiya oo uu ugu horeeyo Xasan Sheykh Maxamuud iyo Ra’isul Wazaarihiisa Cumar Cabdi Rashiid iyo qaar ka mid ah waziirada maamul ku sheega Muqdisho ayaa Samater ku tukaday Salaadda Janaazada, kana qeybgalay aaskii loo sameeyey!! Waa kuwii baday ciilka iyo carada ee dhumiyey miraha halgankiisii, una fududeeyey Itoobiya in ay qabsato dalkeena markale.
Waxaa la yaableh oo aan aad uga xumahay in halyeey Samater oo kale ah oo sanka dhulka ugu jiiday Itoobiya ay janaazadiisa ku tukadaan dabadhilifyo aan damiir lahayn oo dad iyo dalba meel ku sheegin.
Xasan Sheekh Iyo Jig-Jiga.
Maalma ka hor Xasan Sheykh waxaa looga yeeray magaalada Jig-Jiga oo ka mid ah dhulalka Soomaaliyeed ee ku hoosjira gumeysiga Itoobiya. halkaas wuxuu kula kulmay dabadhilifkii kale ee deegaanada kaga wakiilka ahaa nidaamka Tikreega ee Addis Ababa.
Markii uu ka soo noqday safarkaas wuxuu Xasan Sheekh Maxamuud si cad oo aan gambasho lahayn u sheegay in jig-jiga ay ka mid tahay magaalooyinka Itoobiya, ayna qaldan yihiin dadka u taagan in ay xureeyaan!!.
Wuxuu noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Roog guduudan loogu fidiyo magaalada Jig-jiga ee soo mara Soomaaliya waayo madaxweynihii isaga ka horeeyey ee booqday magaaladaas wuxuu ahaa Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna ku tagay diyaarad dagaal sanadkii 1977-kii intii lagu gudajiray dagaaladii lagu soo celinayey dhulalkii Soomaaliyeed ee ku jiray gacanta Itoobiya.
General Samter oo xilligaas ahaa waziirkii gaashaandhiga ee Soomaaliya isna wuxuu ku tagay dareeskiisa dagaalka isagoo sanka ka heysta baqtiga ciidamada xabashida ee daadsanaa hareerihiisa.
Nin Geesi Samater oo kale ah ma mudan yahay in meydkiisa uu soo hor istaago dabadhilif la mid ah Xasan Sheykh Maxamuud? mise waxaa la waayey qof damiir leh oo Xasan ka horleexiyey safka, una sheega in uusan u qalmin ka qeybgalka duugta samatar?.
Halyeey ayuu ahaa midka saarnaa sariirta ee duugtiisa la isugu yimid balse kuwa ku tukanayey ayaan garan la’ahay wax aan ku tilmaamo. Ma dumar darees rageed soo xirtay mise duul dabinka Itoobiya nagu daayey?.
Maxaa Meydka Samater Loogu Aasay Wazaarada Gaashaandhigga
Sida aan ka warqabno Samater waxaa lagu aasay dhismaha wazaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.
Arintan marka aad ka eegto meel fog waxaad dareemeysaa in ujeedka Samater loogu aasay halkaas ay tahay mashruuc la isku og-yahay sababtoo ah waxaan ognahay in Samater uu ahaa nin qarow iyo kaabuus ku ahaa Itoobiya oo nolol iyo geeriba ay ku raadinayeen.
Maadama maanta uu geeriyooday jirkiisana uu gacanta ugu jiro dabadhilifyadoodii u joogay Soomaaliya waxaa suuragal ah in Itoobiya ay dalbatay meydkiisa balse cabsi laga qabo bulshada darteed laga joogsaday arintaas oo la qaatay qorshe kale oo ka fudud midkaas islamarkaana meydkiisa loo dhigay meel la isku og-yahay oo ay beri kala bixi karaan haddii ay yimaadaan Muqdisho ama ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM loo soo wareejiyo magaalada Muqdisho.
Gunaanadkii Soomaalidu waxaan kula talin lahaa in ay keydsato taariikhda dadkeeda, ayna gacanta dabadhilifyadan oo kale ku aaminin aaska iyo duugta dadkii halyeeyada ahaa ee Umaddan ka soo saaray gumeysiga ee dhaxalsiiyey sharafta iyo qiimaha ay maanta heystaan, waaba haddii ay wax inoo hareene!!.
W/Q Suldaan Cabdul Majiid