Kooxda TPLF (Tigreega) oo shaki iyo shoog uu daris lanoqday ayaa ka walaacsan baraha bulshadu ku kulanto oo noqday matoorka ugu wayn ee shida kacdoon-wadeyaasha, waxayna kooxdu aamintay in aaladaha ay bulshadu isticmaasho ee casriga ah ay yihiin kuwa kula jira dagaalka xoogan.
Kooxda cabudhiska kucaan baxday ee TPLF ayaa horaanba u xidhay baraha bulshada sida Facebook, Twiter, Youtube iyo kuwo kale oo badan waxayna kooxdu aamintay in ay aaladahaasu qayb kayihiin kacdoonka kooxda lagaga soo horjeedo ee Itoobiya kasocda.
Taliska Wayaanaha ayaa iskudayo badan oo uu sameeyay ayna usuura galin balse wayaanaha ayaa gobolo badan mudo hawada kasaaray baraha bulshada sida Gobolka Axmaarada iyo Gobolka Oromada iyo waliba Ogadenia. Guud ahaan dhulka ay kooxdu maamusho ayaan laga ogolayn wax suxufi ama saxaafad ah waxaa kale oo cidhiidhi ah in ay bulshadu si furan u isticmaalaan baraha Bulshada,
Kooxda TPLF ayaan wali kadaalin sidii ay ula dagaalami lahayd baraha bulshadu ay ku xidhiidho waxayna kooxdu geed dheer iyo geed gaabanba ufuushay ladagaalanka Media ha. Hoos kadaawo waxa kala haysta TPLF iyo Media ha.