Axmed Macalim Fiqi madaxii hore ee Sirdoonka DF-ka kana mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimada dowladda Federaalka ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay hanjabaad u jeediyaan dadka shacabka ah ee isku daya in ay dambiyo kusoo oogaan ciidamada AMISOM.
Fiqi ayaa ka sheekeeye dhacdo murugo leh oo ciidanka shisheeyaha AMISOM bilo ka hor kula kaceen dad shacab ah.
Ciidamada AMISOM ayaa agagaarka isbartiibada ku dilay wiil dhalinyara ah kadibna ehelkiisa ayaa isku dayay in ay dibad baxyo cabasha ah dhigaan balse si lama filaan ah waxaa arrinkaasi is hortaag ugu sameysay dowladda Federaalka.
Sida Axmed Macalin Fiqi uu sheegay Hoggaanka DF-ka ayaa ugu hanjabay ehelka wiilka laga dilay iyagana ladili doono haddii ay ku adkeystaan abaabulidda dibad bax ka dhan ah AMISOM.
Siyaasigan horay uga tirsanaa dowladda Federaalka ayaa banaanka soo dhigay dabadhilifnimada xukuumadda ka jirta Villa Somalia oo u caysan ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga Soomaaliya.
Voice Of Somalia-SOMALI LEAKS